Spain oo Beenisay inay Oggolaatay Iskaashi Milatari oo ay la yeelato Mareykanka

Image
Ra'iisul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez

MADRID — Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Spain, Jose Manuel Albares, ayaa si adag u beeniyay hadal kasoo baxay Aqalka Cad oo sheegayay in Spain ay ogolaatay inay la shaqeyso milatariga Mareykanka, isagoo ku tilmaamay warkaasi “mid gebi ahaanba been ah,” sida ay qortay warbaahinta El Confidencial.

Albares ayaa sheegay in hadalkaasi uusan wax sal ah lahayn, isagoo yiri: “Afhayeenka Aqalka Cad ayaa laga yaabaa inuu ku hadlo magaca Aqalka Cad, balse aniga waxaan ahay wasiirka arrimaha dibadda ee Spain, waxaana si cad u beeninayaa arrintaas.”

Xafiiska raysal wasaaraha Spain ee Moncloa Palace ayaa sidoo kale meesha ka saaray sheegashadaasi, isagoo ku tilmaamay “war aan sax ahayn” oo aan ka tarjumeyn mowqifka dowladda Spain.

Arrintan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu 3-dii March ku eedeeyay Spain inay diiday kordhinta kharashaadka difaaca si loo gaaro heerka NATO ee 5% GDP, isla markaana ay ka gaabisay inay ogolaato in Mareykanku adeegsado saldhigyada milatari ee Spain si uu weerarro ugu qaado Iran.

Trump ayaa sidoo kale ku tilmaamay mowqifka Spain mid “aan saaxiibtinimo ahayn,” isaga oo ku hanjabay in uu jari doono xiriirka ganacsi ee labada dal.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez, ayaa mar kale adkeeyay in dalkiisu uu ka soo horjeedo tallaabooyinka milatari ee ay Mareykanka iyo Israel ku qaadeen Iran, isagoo ku baaqay in la joojiyo xiisadaha sii kordhaya, isla markaana caddeeyay in Spain aysan beddeli doonin mowqifkeeda ka dhanka ah dagaalka, xitaa haddii cadaadis la saaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Serbia: Xiriirka Yurub iyo Mareykanka wuxuu gaarey meeshii ugu xumayd

Warbixinno cusub ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Mareykanka uu qorsheynayo in uu kala baxo ku dhowaad 5,000 oo askari oo ku sugnaa Jarmalka.

  • Caalamka

    03-05-2026

  • 12:27PM

Boqorka Bahrain oo Iran ugu baaqay inay joojiso faragelinta dalalka Khaliijka

Boqorka ayaa sidoo kale digniin culus u diray dadka u dhashay dalkiisa ee la shaqeeya cadawga shisheeye.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 11:51AM