Syria: 1,000 qof oo ku dhintay dagaal u dhaxeeya Suniyiinta iyo Shiicada 

Image

DIMISHIQ — Kooxaha xuquuqda aadanaha ee kor kala socda xaaladda Suuriya ayaa Sabtidi sheegay, in ugu yaraan 1,000 qof lagu dilay isku dhacyo labadi maalin ee lasoo dhaafay ka dhacayay qeybo ka mid ah dalka Suuriya.

Isku dhacyada ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowladda cusub ee Suuriya iyo xoogag daacad u ah madaxweynihi xilka laga tuuray ee Bashar Assad. Wararka ayaa sheegaya in dadka la dilay qaar loo beegsaday heybtooda oo ah in ay kasoo jeedaan qowmiyadda Calawiga Shiicada ah ee laga tirada badanyahay ee Suuriya.

Kooxda xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska, ayaa dilalki maalmihi lasoo dhaafay ku tilmaantay mid ka mid ah kuwi ugu khasaaraha badnaa ee Suuriya ka dhac tan iyo billoowgii dagaalka sokeeye muddo hadda laga joogo 14 sannadood.

Dadka rayidka ah ee la dilay ayay kooxdani ku sheegtay in ay gaarayaan 745 qof, kuwaas oo ay sheegtay in lagu dilay rasaas af-saar ah, dadka kale ee dagaalladaasi lagu dilay ayaa isugu jira 125 ka mid ah ciidamada dowladda, iyo 148 ka mid ah malleeshiyaadka mucaaridka ah.

Iska hor imaadyada ayaa intooda badan ka dhacay magaalada Latakia. Biyaha iyo korontada ayaa inta badan laga jaray magaaladaasi ay dagaan dadka Shiicada ah ee Calawiyiinta Suuriya.

Dowladda cusub ee Suuriya ayaa sheegtay in ciidamadeedu ka jawaabeen weeraro uga yimid haraadiga ciidamadii Bashar Al Asad, iyada oo dilalka aargoosiga ah ee la sheegay in ay dhaceen Latakia ku sheegtay, ficillo ay sameeyeen shakhsiyaad.

Isku-dhacyadi billowday Khamiistii ayaa lagu tilmaamay caqabadi u horreysay ee ay gudaha ka wajaheyso dowladda Suuriya, saddex bilood kaddib marki ay awoodda xoog uga tuurtay qoyski Suuriya muddada dheer xakumayay ee Reer Asad.

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM