SYRIA: In ka badan 1,000 qof oo lagu dilay bariga Ghouta

Image

SYRIA - Guddiga caalamiga ah ee laanqayrta cas ayaa waxay sheegeen in dadka ku nool magaaladda Douma ee bariga Ghouta ay xaalad xun ku sugan yihiin.

Arrintan ayaa waxay guddiga sheegeen in ay ka dhalatay dowladda Suuriya oo sii xoojisay duqaymaha ay halkaasi ka wado.

Afhayeenka guddiga caalamiga ah ee laanqayrta cas , Ingy Sedky, ayaa sheegtay in dadka ku sugan magaalada Douma aysan dan ka lahayn gargaar soo gaara.

Waxa ay intaa ku dartay in dadka goobtaasi ku sugan waxa ay ka walaacsan yihiin ay tahay sidii ay u sii noolaan lahaayeen oo aysan dagaalada ugu dhiman lahaayn.

Magaalada Douma ayaa ka go'an goobaha kale ee bariga Ghouta ee dagaalada ay ka socdaan.

Guddiga caalamiga ah ee laanqayrta cas ee ICRC ayaa BBC u sheegay in kolanyadii gargaarka ay ka soo laabteen magaalada Douma xilli uu halkaasi dagaal ka socdo.

Kooxaha la socodka xaaladda Suuriya ayaa waxa ay sheegeen in in ka badan 1000 qof oo rayid ah ay dhinteen tan iyo intii ay dowlada billaawday howlgalada bariga Ghouta.

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM