Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Image

WASHINGTON – Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Yurub (EUCOM), Jeneraal Alexus Grynkewich, ayaa si qarsoodi ah uga digay Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) in uusan haysan maraakiib dagaal oo ku filan si ay u sii difaacaan Israa'iil uga hortagga weerarrada gantaallada ridada dheer ee Iran.

Sida ay baahisay wargeyska The Washington Post, Jeneraal Grynkewich ayaa sheegay inuu dhawaan ku qasbanaan karo inuu mudnaanta koowaad siiyo difaaca gudaha Mareykanka, haddii aan loo dirin ugu yaraan hal markab oo burburiye ah (destroyer) oo dheeraad ah.

Digniintan ayaa muujinaysa culayska sii kordhaya ee dagaalka Iran uu saaray awoodda milatari ee Mareykanka. Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

Warbixinno hore oo ay daabaceen The Wall Street Journal, The New York Times iyo Reuters ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha Mareykanka ay walaac ka qabaan kaydka sii yaraanaya ee gantaallada difaaca cirka ee Patriot iyo nidaamyo kale oo loo adeegsado difaaca ciidamada Mareykanka iyo xulafadooda.

Pentagon ayaa diiday inay ka hadasho waraaqaha gaarka ah ee uu diray taliyaha EUCOM, balse saraakiil la hadlay The Washington Post ayaa sheegay in digniintaasi ay qayb ka tahay habraaca milatariga ee lagu ogeysiiyo hoggaanka sare marka khataraha hawlgalladu ay ka bataan awoodda iyo agabka la heli karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM

Mareykanka oo ansixiyey qorshe $24.3 bilyan oo diyaaradaha F-35 ah looga iibinayo Sacuudi Carabiya

Qorshaha hubka ayaa soo baxay iyadoo Xuutiyiintu si weyn u kordhiyeen…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 02:09AM