Texas: 20 Qof oo Ku Dhimatey Weerar Lagu Qaadey Kaniisad

Image

TEXAS- Ugu yaraan 20 qof ayaa dhimatey kadib markii nin hubeysan rasaas ku furey dad ku tukanaya Kaniisad ku taal gobolka Texas maalinimadii Axada, sidaas waxaa yiri saraakl ka tirsan Booliiska.

Booliska ayaa u xaqiijiyey saxaafada dadka dhintey isagoo sheegey iney Kaniisadaas ku taal degaan ka tirsan gobolka Texas oo la yiraahdo Wilson.

Ninka hubeysanaa oo dadkaan rasaasta ku firdhiyey ayaa wararku sheegayaan in la diley markaas kadib, isagoo weerarkaan ku qaadey Kaniisadaan 11:30 subaxnimo.

"Dhimashada iyo dhaawaca intaas waa ka badan karaan laakiin wararka hordhaca waxaa ay noo sheegaayan in dadka dhintey gaarayaan 20 qof halka dhaawacu noqonayo 20,25 qof," sidaas waxaa yiri nin goobta ku sugnaa oo la hadlay saxaafda gudaha.

50 qof ayaa ku sugnaa Kaniisada gudaheeda kuwasoo ay ku jireen Dumar iyo Caruur. Dadka dhintey ayaa waxaa kamid ah Caruur yar yar ah.

 

 

Related Articles

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM

Mareykanka oo marin qarsoodi ah ka sameystay Hormuz si maraakiibta shidaalku u gudbaan

Sida ay Axios u sheegeen saraakiil Mareykan ah, ciidamada Mareykanka ayaa sameeyey…

  • Caalamka

    19-08-2026

  • 11:18PM