Toogasho ka dhacay Belgium iyo wararkii ugu dambeeyay

Image
Image

BELGIUM - Saraakiisha dalka Belgium-ka ayaa sheegay inay baarayaan weerar lagu dilay labo Askari oo Boolis ah iyo qof shacab ahaa kaasi oo ka dhacay maanta magaalada dhanka bari ku taalla ee Liege.

Ninka weerarka geystay, oo lagu magaciisa lagu sheegay Benjamin Herman ayaa la sheegay in dhawaan laga soo daayay Xabsi, isagoo loo xiray ka ganacsiga Daroogada.

Afhayeenka u hadlay Booliska ayaa xaqiijiyay in Ciidamada amaanka ay toogasho ku dileen Benjamin Herman kadib markii uu dilay labo Askari oo dumar ahaa, kuwaasi oo mindi uu ku dilay, kadibna qori ay wateen inta uu ka qaatey u adeegsaday weerarka. 

Philippe Dulieu, oo ah xeer-ilaaliyaha magaalada uu weerarka ka dhacay ee Liege oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Benjamin oo Isniintii lasoo daayay lagu xag-jireeyay gudaha xabsiga.
 
Benjamin ayaa galay Dhisamaha Iskuul Dugsiga Sare ah halkaasi oo haween badan ka dhigtay la hays-tiyaal iyadoo goobta ay ugu tageey Ciidamo si gaar ah u tababaran oo meesha ku toogtey.
 
Dhowr Askari ayaa ku dhaawacmay howlgalka lagu dilay Benjamin. Lama oga waxa uu ku kalifay Ninka inuu weerarkan fuliso, balse Saraakiisha ayaa sheegay inuu socdo baaritaan, mana jirto wali cid sheegatay mas'uuliyadda.
 
Ra'iisul Wasaaraha Belgium-ka Charles Michel  ayaa cambaareeyay weerarka, isagoo tacsi u diray ehelada dadkii kuwii ay jeclaayeen lagu dilay toogashada.
 
Sanadkii hore, weeraro ka dhacay caasimada wadanka Belgium-ka ee Brussels waxaa ku dhintay Todobaneeyo qof, iyadoona ay badankooda sheegteen Kooxda Daacish, waxaana ay ka dambeeyeen weeraradii ka dhacay Magaalada Paris isla sanadkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM