Trump: Iran waxay dib uga bilaabi kartaa barnaamijka nukliyeerka meelo cusub

Image

Washington, USA – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in dowladda Iran laga yaabo inay dib uga bilowdo barnaamijkeeda nukliyeerka meelo cusub, isagoo muujiyay walaac weyn oo ku saabsan damaca Tehran ee dhanka hubka nukliyeerka.

Trump ayaa tilmaamay in cunaqabataynta iyo cadaadiska uu saaray Iran aysan si buuxda u joojin qorshahooda, isla markaana ay suuragal tahay in Tehran ay hadda isku dayeyso inay barnaamijkeeda nukliyeerka dib uga sii waddo goob cusub si looga fogaado kormeerka caalamiga ah.

“Iran mar walba waxay ahayd halis dhanka nukliyeerka ah. Hadda waxay u muuqataa inay qorsheynayaan meel cusub oo ay ku hormariyaan barnaamijkooda,” ayuu yiri Trump.

Hadalka Trump ayaa imaanaya iyadoo ay taagan tahay xiisad sii xoogeysaneysa oo u dhaxeysa Iran iyo Israel, iyadoo Trump ka walaacsan suurtagalnimada in Iran ay hub nukliyeer samaysato. Bishii hore, Mareykanka ayaa duqeeyay saddexda xarun ee lagu bacrimiyo Macdanta Uranium-ka Iran.

Dowladda Iran ayaa marar badan sheegtay in barnaamijkeeda nukliyeerku yahay mid ujeedkiisu yahay nabad, balse dalal badan ayaan aaminsaneyn sheegashadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM