Trump: Israa’iil Ma Heli Doonto Oggolaansho Inay Weerarto Iran “Waqti Dhow”

Image

Muqdisho – Sida ay baahisay Jariiradda Israa’iil ee Haaretz, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa taleefan uu xalay la yeeshay Madaxweyne Donald J. Trump ku codsaday in Mareykanku joojiyo wadahadallada nukliyeerka ee uu la leeyahay dowladda Iran, si uu Israa’iil fursad ugu helo inay qaaddo tallaabo militari oo lagaga beegsado goobaha nukliyeerka ee Iran.

Warbixinta ayaa sheegtay in Netanyahu uu sheegay in Israa’iil ay “si gaar ah ugu baahan tahay” in la siiyo xorriyad buuxda si ay tallaabo “militari muhiim ah” uga qaaddo meelaha la tuhunsan yahay in Iran ka wado horumarinta hubka nukliyeerka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Trump ayaa la sheegay in uu si cad ugu sheegay Netanyahu inuusan siin doonin Israa’iil oggolaansho ku aaddan weerar militari oo lagu qaado Iran "waqti dhow", sida lagu qoray warbixinta.

Trump ayaa sidoo kale Netanyahu ka codsaday inuu joojiyo hadallada badan ee uu warbaahinta ka sii daynayo ee ku saabsan suurtagalnimada weerar Israa’iil ku qaaddo Iran, taasoo uu sheegay inay dhaawaceyso dadaallada diblomaasiyadeed iyo xiriirka Mareykanka ee gobolka.

Ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo ilaa hadda kasoo baxay xafiisyada Netanyahu ama Trump oo si toos ah u beeninaya ama u xaqiijinaya warbixinta Haaretz, balse arrintan ayaa imaneysa xilli xiisad diblomaasiyadeed iyo mid amni ay markale cirka isku shareertay kaddib markii warar soo baxay ay muujinayaan in Iran ay dib u bilowday barnaamijkeedii nukliyeerka.

Arrintan ayaa laga cabsi qabaa inay wiiqdo dadaallada Maraykanka iyo waddamada kale ee reer galbeedka ee ku aaddan sidii xal nabadeed looga gaari lahaa xiisadda nukliyeerka ee muddada dheer taagnayd ee u dhaxeysa Iran iyo beesha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM