Trump iyo Putin oo isku soo dhawaadey, Shir ku balansan - Maxaa isbedelay?

Image

MOSCOW, Agoosto 7 – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa Mareykanka Donald Trump ayaa la xaqiijiyay in ay kulmi doonaan, iyadoo goobta kulankaas la isku afgartay balse la shaacin doono waqti dhow, sida uu warfidiyeenka u sheegay Lataliyaha Madaxtooyada Ruushka, Yury Ushakov.

"Waxaan bilownay wadahadallo ku saabsan habraaca kulanka iyo goobta uu ka dhici doono annaga iyo saaxiibbadeen Mareykanka," ayuu yiri Ushakov.

“Waxaan sidoo kale rabaa in aan xuso in goobta kulanka, si guud, lagu heshiiyay, waxaana si rasmi ah loo shaacin doonaa waqti dhow,” ayuu raaciyay.

Madaxweyne Trump ayaa horay u sheegay in ay jirto rajo wanaagsan oo ku aaddan in uu kulankaasi dhici doono dhawaan, isagoo sheegay, "Waxaan qabaa in uu jiro fursad wanaagsan oo aan si degdeg ah ula kulmi doono Madaxweyne Putin, waxaana dhici karta in aan soo afjarno dagaalka Ukraine."

Trump ayaa sidoo kale sheegay in aysan wali go’aansan halka uu kulanku ka dhici doono, balse uu kulankii August 6 ee dhexmaray Putin iyo Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka, Steven Witkoff, ahaa mid miro-dhal ah.

Wargeyska The New York Times ayaa horey u sheegay, isaga oo soo xiganaya ilo-wareedyo, in Trump uu qorsheynayo in uu la kulmo Putin toddobaadka soo socda, ka hor inta uusan la kulmin Madaxweynaha Ukraine, Vladimir Zelensky. Sidoo kale, CNN ayaa warisay in Trump uu horay amar ugu bixiyay kooxdiisa in ay diyaariyaan labada kulan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM