Trump iyo Putin oo Ku Heshiiya Inay Wada-Xaajood Ka Bilawdaan Xalka Colaadda Ukraine

Image

Washington — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in isaga iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay ku heshiiyeen in si "degdeg ah" ay u bilaabaan wada-xaajood ay madaxweynaha Ukraine kala yeelanayaan, si loo soo afjaro colaadda u dhexeysa Ruushka iyo Ukraine.

Trump ayaa sheegay in wada-xaajoodkani uu muhiim u yahay sidii loo gaari lahaa xal waara oo lagu joojinayo dagaalka, isagoo sidoo kale sheegay in ay doonayaan in la helo xal siyaasadeed oo dhab ah. Madaxweynaha Mareykanka ayaa tilmaamay in qorshahan uu yahay mid lagu taageerayo nabadda gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Dhanka kale, Trump ayaa caddeeyey in isaga iyo madaxweyne Putin ay yeelan doonaan kulamo gaar ah, waxaana kulankii ugu horreeyey la sheegay inuu ka dhici doono dalka Sacuudiga, oo loo arko meel ku habboon wada-xaajoodka labada dhinac.

Arrintan ayaa muujinaysa xiisadda siyaasadeed ee ka jirta gobolka iyo doonista hoggaamiyayaasha caalamka ee ku aaddan sidii loo joojin lahaa dagaalka, iyada oo la rajeynayo in wada-xaajoodkani uu soo afjari doono xiisadda sii kordhaysa ee ka jirta Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM