Trump Ma Ka Qayb Gali Doonaa Shirka G20 ee South Africa?

Image

WASHINGTON - Marka ay hoggaamiyeyaasha caalamku isugu yimaadaan shir madaxeedka G20 ee ka dhici doona magaalada Johannesburg bisha November, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ma ka soo muuqan doono. Trump wuxuu sheegay inuu ka baaqanayo shirkan, isagoo halkiisa u diraya Madaxweyne Ku-xigeenkiisa JD Vance.

Trump ayaa xiriir adag la leh Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, kaas oo martigelin doona shirkan. Labada hoggaamiye ayaa isku dhacay shir ay yeesheen Aqalka Cad horraantii sanadkan, halkaas oo Trump uu mar kale ku celiyey eedeymo aan sal lahayn oo ah in beeraleyda cadaanka ah ee Koonfur Afrika ay la kulmayaan xasuuq. Dowladda Ramaphosa ayaa si adag u beenisay eedeymahan, iyadoo sheegtay in rabshadaha beeraleyda saameeyay aysan sal ku lahayn midab-takoor.

Trump ayaa sidoo kale qaaday tallaabooyin cadaadis ah, isagoo joojiyey gargaarkii maaliyadeed ee Mareykanku siin jiray Koonfur Afrika, isla markaana ku soo rogay canshuur dhan 30% badeecooyinka Koonfur Afrika u dhoofiso Mareykanka. Waxa uu sidoo kale dhaliilay mowqifka Koonfur Afrika ee ku aaddan khilaafka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Bishii Maarso, Mareykanka ayaa eryay Safiirkii Koonfur Afrika ee Washington, Ebrahim Rasool, kaddib markii uu si kulul u dhaliilay Trump. Ururka shaqaalaha Afrikaanka ah ee "Solidariteit", oo uu Ramaphosa si adag u dhaleeceeyey kadib booqashadoodii Washington, ayaa hadda qorsheynaya inay markale tagaan Mareykanka bisha September si ay ula kulmaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo dhinacyo kale. Ujeedadoodu waa inay ka hadlaan baabi’inta sharciyada dib-u-dhiska sinnaanta jinsiga, soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed, iyo sameynta heshiis ganacsi oo caddaalad ah.

Mas’uuliyiinta Koonfur Afrika ayaa si wanaagsan u soo dhaweeyey ka qaybgalka Madaxweyne Ku-xigeenka Vance, waxayna sheegeen in guusha shirka ay ku xiran tahay wadahadallo qoto dheer, halkii ay ka ahaan lahayd joogitaanka hoggaamiye gaar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India oo lagu dhaleeceeyay ka "Aamusnaanta" weerarkii lagu dilay Ayatollah Ali Khamenei

Weerarkaas oo dhacay Sabtidii, ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen 786 qof, kuwaas oo ay ku jiraan carruur dugsiyada dhiganaysay.

  • Caalamka

    03-03-2026

  • 07:45PM

Iran oo Duqeysay Safaaradda Mareykanka ee Riyadh

Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegtay in laba drone ay ku dhaceen ama ku qarxeen…

  • Caalamka

    03-03-2026

  • 06:43AM