Trump: Ma rabo kulan waqti-lumis ah in aan la yeesho Putin

Image

Washington, D.C. – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyay inuu hakiyay shirkii la qorsheeyay inuu la yeesho Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, isagoo sheegay inuusan dooneyn kulan aan natiijo laheyn.

“Ma rabo kulan waqti-lumis ah,” ayuu Trump u sheegay suxufiyiinta Talaadadii isagoo ku sugnaa Aqalka Cad. “Ma rabo in la igu qasbo kulan aan waxba ka soo bixi doonin, markaa waxaan sugayaa in aan arko sida ay wax u dhacaan.”

Trump ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee isbeddelkaasi ku yimid ay tahay mowqifkiisa ku aaddan dagaalka Ukraine, gaar ahaan dalabkiisa ku saabsan xabbad-joojin degdeg ah oo lagu hakiyo dagaalka isla markaana lagu xoojinayo khadadka dagaalka ee hadda jira.

“Waxaan iri, tagga khadadka hore ee dagaalka, dib u laabta, kala taga, dadkuna ha nasto. Maxaa yeelay, labo dal ayaa is dilaya, toddobaad kasta waxay waayaan kumannaan askari,” ayuu yiri Trump.

Warkan ayaa yimid kadib markii sarkaal ka tirsan Aqalka Cad uu sheegay in qorshihii shir labaad oo lagu waday inuu ka dhaco Budapest, Hungary, la hakiyay kadib wicitaan dhexmaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov, taasoo mas’uulku ku tilmaamay "mid miro dhal ah".

Si kastaba ha ahaatee, Ruushka ayaa muujiyay diidmo ku aaddan shuruudda xabbad-joojinta degdegga ah ee uu Trump dalbanayo, taasoo la sheegay inay ka hor imanayso wixii lagu ballamay kulankii hore ee bishii Agoosto ee ka dhacay Alaska.

Lavrov ayaa sheegay in dalabka Trump uu yahay mid aan waafaqsaneyn heshiisyadii hore, isla markaana uu cadaadis kaga imanayo qaar ka mid ah madaxda Yurub oo doonaya xal ku meel gaar ah halkii laga raadin lahaa mid waara.

Trump, oo wali aan go’aan rasmi ah gaarin, ayaa sheegay inuu “weli sugayo” xaaladda, iyadoo aan la caddeyn in kulankaasi dib loo qorsheyn doono mustaqbalka dhow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM