Trump: Mareykanka wuxuu rabaa inuu la wareego Gaza

Image

WASHINGTON — Madaxweyne Donald Trump ayaa Talaadadi shalay soo jeediyay in Mareykanka inuu "la wareego" marinka Gaza, isla markaana shacabka Gaza dib u dajin loogu raro meel ka baxsan marinka.

Trump ayaa hadalkaan ka jeediyay xilli uu Aqalka Cad shalay ku martigeliyay ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu oo noqday hogaamiyihi u horreeyay oo Ajnabi ahi oo uu Trump ku casuumo Washington tan iyo mmarki uu dib ugu soo laabtay xafiiska muddo xileedkiisa labaad.

Trump ayaa sidoo kale laba jibaaray baaqiisii ahaa in Falastiiniyiinta ay ka guuraan dhulka uu dagaalku ka socdo, una gudbaan dalalka Bariga Dhexe, sida Masar iyo Urdun, inkastoo Falastiiniyiinta iyo labada waddanba ay si cad u diideen soo jeedintiisa.

“Waxay ila tahay in ay helaan dhul wanaagsan, cusub oo qurux badan. Waxaan heli doonnaa dad lacago ku bixiya si loo dhiso oo loo quxiyo loogana dhigo meel dagi karo isla markaana guryo ah.” Ayuu Trump u sheegay wariyaasha.

Mar uu ka hadlayay duminta Gaza, ayuu yiri: “Waqtil xaadikaan, ma heystaan ikhtiyaar. Maxay sameyn doonaan? Waxay ku laaban doonaan Gaza, laakin waa tee Gaza? Ma jiro dhisme halkaa ka taagan? ayuu yiri.

Trump wuxuu sheegay in Maraykanku uu ka takhalusi doono bambooyinka an weli qarxin simi doono goobta, dhaqaajin doono dhismayaasha burburay, isla markana abuuri doono horumar dhaqaale oo siin doona shaqooyin iyo guryo aan xadidineyn dadka degaanka

Trump ayaa arrintan markii ugu horeysay soo jeediyay bishii Janaayo, isaga oo sheegay in uu doonayo in Jordan iyo Masar ay qaataan barokacayaal badan oo Falastiiniyiin ah taas oo qayb ka ah dadaalka lagu "nadiifinayo" Gaza.

Hase yeeshee, Masar, Urdun, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Qatar, Maamulka Falastiin iyo Jaamacadda Carabta ayaa si wadajir ah u soo saaray horraantii bishan bayaan ay ku diidan yihiin qorshe kasta oo Falastiiniyiinta looga raro dhulkooda Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto.

Related Articles

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM

Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha oo kulan muhiim ah ku yeeshay South Korea

War kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay si qoto dheer uga wada hadleen khilaafaadka canshuuraha ganacsiga.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 05:34AM