Trump oo aan aqbaleyn dhaqan galka heshiiskii nukliyeerka Iran

Image

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in aanu ku qancayn in Iran dhaqan gelisay heshiiskii caalamiga ahaa ee nukliyeerka ee la saxeexay 2015-ki, in kasta oo aanay afkiisa ka soo bixin in uu gebi ahaan ba laalayo heshiiskaa.


Trump wuxu sheegay in Iran marar badan ku xad gudubtay heshiiska xadidayey barnamijkeda nukliyeerka, waxaanu sheegay in uu kala shaqayn doono Congress-ka iyo xulufada Maraykanka sidii loo guffayn lahaa gol daloolooyinka badan ee heshiiskaasi leeyahay.


Hadii taasi surto geli weydana wuxu sheegay in uu awoodiisa madaxweyne u adeegsan doono sidii gebi ahaanba Maraykanku uga bixi lahaa heshiiskaa.

Trump waxa uu ballan qaaday in aanay Iran u suurto gelin doonin in ay hub nukliyeer ah samaysato, waxaanu heshiiska ku tilmaamay kii ugu xumaa ee weligii Maraykanku galo.

BBC

 

Related Articles

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM

Mareykanka oo marin qarsoodi ah ka sameystay Hormuz si maraakiibta shidaalku u gudbaan

Sida ay Axios u sheegeen saraakiil Mareykan ah, ciidamada Mareykanka ayaa sameeyey…

  • Caalamka

    19-08-2026

  • 11:18PM