Trump oo Cunaqabateyn Cusub Saaray Ruushka
Washington (Garowe Online) — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qaaday tallaabo adag oo cunaqabateyn ah oo ka dhan ah Ruushka, taasoo ah tii ugu horreysay tan iyo markii uu dib ugu laabtay Aqalka Cad. Talaabadan ayaa timid kadib markii uu sheegay in aysan jirin wax horumar ah oo laga gaaray wadahadalladii xabbad-joojinta ee lagu soo afjari lahaa dagaalka Ukraine.
Is-maalintaas waxaa sido kale, madaxda Midowga Yurub ay ansixiyeen talaabadii 19-aad ee cunaqabateynta Ruushka, taasoo sii adkaynaysa cadaadiska caalamiga ah ee saaran Moscow.
Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay in cunaqabateyntu ay beegsanayso labada shirkadood ee ugu waa weyn ee soo saaara saliidda Ruushka — Lukoil iyo Rosneft — iyadoo lagu eedeeyey madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuusan muujin doonis dhab ah oo ku aaddan joojinta dagaalka.
“Cunaqabateyntan waxay sii adkaynaysaa cadaadiska ku saabsan qaybta tamarta Ruushka waxayna yareynaysaa awoodda Kremlin-ka ee ay ku maalgeliso dagaalka kadib markii dhaqaalaheeda kale daciifay,” ayuu yiri Scott Bessent, Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, isagoo ugu baaqay dalalka saaxiibka la ah Mareykanka inay ku biiraan tallaabadan.
Cunaqabateyntan cusub waxay mamnuucaysaa ganacsiyada Mareykanka inay wax macaamil ah la yeeshaan shirkadaha la magacaabay, waxayna xanibaysaa hantidooda u taalla gudaha Mareykanka. Si kastaba ha ahaatee, lama beegsanin shirkadaha Shiinaha iyo Hindiya ee iibsada shidaalka Ruushka.
Trump ayaa sheegay inuu arrintan kala hadli doono madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping kulanka la filayo inuu ka dhaco Shirka APEC ee 2025 oo lagu qabanayo Koonfur Kuuriya toddobaadka soo socda.
Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa intaas ku dartay inay diyaar u tahay inay qaaddo tallaabooyin dheeraad ah haddii Ruushka sii wado dagaalka uu ku qaaday Ukraine, kaas oo socday muddo saddex sano ka badan.
Dhanka kale, Moscow weli kama aysan jawaabin cunaqabateyntan cusub, balse dhaqaalaha Ruushka ayaa horay hoos ugu dhacay.
Shirkadda Rosneft, oo ah tan labaad ee ugu weyn dalka, ayaa sanadkan sheegtay in hoos u dhac dhan 68% ku ku yimid marka loo eego dakhliga sanadkii hore.
Shirkadda Lukoil oo ah tan ugu weyn ee aan dawliga ahayn ayaa sidoo kale sheegtay in faa’iidadeedu hoos u dhacday 26.5%, sababo la xiriira canshuur kordhin iyo kharashaad dagaal oo sii kordhaya.
Tallaabadan cusub ayaa muujinaysa in maamulka Trump uu doonayo inuu si toos ah u cadaadiyo ilaha dhaqaale ee Ruushka, iyadoo farriinta guud tahay: “ma jiro meel uu Ruushku kaga ganacsan karo dunida ilaa uu joojiyo dagaalka Ukraine.”
Wararka Caalamka GO