Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka
Washington, 19 Agoosto 2025 – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii u sheegay Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy in Mareykanka uu dammaanad qaadi doono amniga Ukraine haddii la gaaro heshiis nabadeed oo lagu soo afjaro dagaalka Ruushka, inkastoo aysan si cad u muuqan heerka taageerada Mareykanka ee la filayo.
Trump ayaa ballanqaadkan ka sheegay shir heer sare ah oo ka dhacay Aqalka Cad, halkaas oo uu ku martigeliyay Zelenskiy iyo hoggaamiyeyaal Yurub ah, kadib kulan uu Jimcihii kula yeeshay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin magaalada Alaska.
"Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka. "Dalalka Yurub waa khadkii ugu horreeyay ee difaaca maxaa yeelay iyagaa dhulkaas jooga, laakiin annaga waan ka taageeri doonnaa."
Madaxweyne Zelenskiy ayaa ku tilmaamay ballanqaadka Trump "tallaabo weyn oo horey loo qaaday", isagoo sheegay in dammaanadaha amniga "si rasmi ah loogu qori doono heshiisyo qoran toddobaadka ama tobanka maalmood ee soo socda", isagoo intaa ku daray in Ukraine ay dalbatay in ay iibsato hub Mareykan ah oo ku kacaya ku dhawaad $90 bilyan.
Kulanka Isniinta ayaa si weyn uga duwan kulankii muranka dhaliyay ee bishii Febraayo, markaas oo Madaxweyne Trump iyo Madaxweyne ku-xigeenka JD Vance si dadweyne ah u dhaliileen Zelenskiy gudaha xafiiska Oval Office.
Si kastaba ha ahaatee, heshiis nabadeed wali uma muuqdo mid dhaw.
Kahor inta aan la bilaabin wada-hadallada, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa si cad u diiday in ciidamo ka socda NATO loo adeegsado sugidda heshiiska nabadeed, taasoo caqabad ku noqotay hindisaha Trump.
Trump iyo Zelenskiy labaduba waxay rajo ka muujiyeen in kulanka Isniinta uu horseedi karo wada-hadal saddex geesood ah oo ay la yeeshaan Putin, kaasoo ciidamadiisu ay wali si tartiib tartiib ah ugu sii durkayaan bariga Ukraine.
Trump ayaa fiidkii Isniinta qoraal uu kusoo dhigay baraha bulshada ku sheegay inuu la hadlay Madaxweynaha Ruushka, isla markaana uu bilaabay abaabulka kulan dhexmaraya Putin iyo Zelenskiy, kaasoo ay ka dambeyn doonaan shir saddex geesood ah oo ay yeeshaan madaxweynayaasha.
Sida uu sheegay ilo ka tirsan wafdiga Yurub, Putin ayaa la sheegay inuu isagu soo jeediyay habkan wada-hadalka ee taxanaha ah.
Inkastoo Kremlin-ka uusan si rasmi ah u caddeyn oggolaanshaha kulanka, mas’uul sare oo Mareykan ah ayaa sheegay in la filayo in kulanka Putin iyo Zelenskiy uu ka dhaco dalka Hungary, iyadoo la rajeynayo in labada hoggaamiye ay kulmaan laba toddobaad gudahood, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz.
GAROWE ONLINE