Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Image

Tel Aviv – Madaxweynaha hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa si ula kac ah uga reebay Israa’iil booqashadiisa Bariga Dhexe, taas oo uu falanqeeye siyaasadeed oo reer Israa’iil ah ku tilmaamay “dhammaadka xilli muhiim u ahaa xiriirka labada dal.”

Falanqeeyaha caanka ah Akiva Eldar ayaa sheegay in Trump uu ka baaqsaday safarka Israa’iil maadaama uu ogyahay in Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu "been sheegayo" isla markaana uusan wax dhab ah u haynin inuu Trump ku qanciyo.

“Trump wuu ogyahay in Netanyahu aanu hadda wax badan ku fadhiyin, waana sababta uu u doortay inuusan waqtigiisa ku lumin. Ma jiro wax cusub oo Netanyahu keeni karo miiska wadahadalka,” ayuu yiri Eldar.

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil. “Waa dhamaadka xilli uu Mareykanku indhaha ka laaban jiray khaladaadka Israa’iil, isla markaana garab buuxa siiya – hadda Trump xitaa ma dhibsanayo inuu iska indha tiro booqasho rasmi ah,” ayuu yiri.

Arrintan ayaa dhalisay dood ballaaran oo gudaha Israa’iil ah, iyadoo siyaasiyiin iyo falanqeeyayaal qaarkood u arkaan inay muujinayso hoos u dhac ku yimid taageeradii siyaasadeed ee Israa’iil ku haysatay gudaha Mareykanka, gaar ahaan dhinaca Jamhuuriga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM