Trump oo diiday inuu ka qeybgalo shir-madaxeedkii G20 ee Koonfur Afrika

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in dowladdiisu ay ka baaqan doonto ka qaybgalka shir-madaxeedka G20 ee lagu qabanayo magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika dabayaaqada bishan.

Trump ayaa sheegay in ay “fadeexad weyn” tahay in Koonfur Afrika ay martigeliso shir ay isugu imaanayaan madaxda iyo hoggaamiyeyaasha dhaqaalaha ugu waaweyn dunida, isagoo ku sababeeyay go’aankiisa eedeymo uu sheegay in dadka cadaanka ah lagu dhibaateeyo dalkaas — eedeymo ay si weyn u beeniyeen hay’adaha caalamiga ah iyo dowladda Koonfur Afrika.

Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika ayaa ku tilmaantay go’aanka Aqalka Cad mid “nasiib darro ah” isla markaana ka soo horjeeda ruuxa iskaashiga iyo wadashaqeynta caalamiga ah ee ay G20 u taagan tahay.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda ayaa lagu sheegay in Koonfur Afrika ay sii wadi doonto ka go’naanta wada shaqeynta caalamiga ah iyo in aysan faragelin siyaasadaha gudaha ee dal kale.

Shir-madaxeedka G20 ayaa la filayaa in uu yeesho miisaan weyn, iyadoo laga hadlayo arrimaha dhaqaalaha adduunka, isbeddelka cimilada iyo nabadda caalamka — hase yeeshee ka bixitaanka Maraykanka ayaa loo arkaa mid saamayn ku yeelan kara ajandaha shirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM

Mareykanka oo ansixiyey qorshe $24.3 bilyan oo diyaaradaha F-35 ah looga iibinayo Sacuudi Carabiya

Qorshaha hubka ayaa soo baxay iyadoo Xuutiyiintu si weyn u kordhiyeen…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 02:09AM