Trump oo guulo ka sheegtay dagaalka Iran xili khasaaraha Mareykanka kordhay

Image

WASHINGTON — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weriyeyaasha u sheegay in howlgalada milatari ee socda lagu burburiyey awoodihii muhiimka ahaa ee dalka Iran, oo ay kow ka yihiin ciidanka badda, nidaamyada gantaalaha difaaca hawada, raadaarrada, iyo xarumihii hoggaanka dalkaas.

Isagoo ka hadlayay horumarka laga gaaray "Operation Epic Fury," Madaxweyne Trump ayaa sheegay in dharbaaxo weyn lagu dhuftay awoodda milatari ee Tehran.

"Ma laha ciidan bad, waa la burburiyey. Ma laha ciidan hawog, waa la burburiyey. Ma laha wax raadaar ah oo ay wax ku ogaan karaan, dhammaan waa la naafeeyey," ayuu yiri Madaxweynaha.

Trump ayaa sidoo kale soo saaray digniin kulul, isagoo xusay in Mareykanku uu awoodo inuu sameeyo "wax intaas ka sii xun." Wuxuu intaas ku daray in wax kasta oo weli ka taagan dalka Iran lagu burburin karo muddo "hal saac gudahood ah" haddii loo baahdo.

Mareykanka ayaa sheegay inuu burburiyay in ka badan 46 markab oo nooca dagaalka ah muddo saddex casho gudahood ah. Dhanka Mareykanka, waxaa sii kordhaya khasaaraha gaarey, iyadoo 7 askari laga dilay, boqolaalna laga dhaawacay.

Safaaradaha Mareykanka ee Khaliijka iyo meelo ka baxsan oo gaaraya gantaalada Iran ayaa la xiray, iyadoo muwaadniinta u dhashay dalkaas ka baxeen Bariga Dhexe.

Hoggaamiyihii sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa lagu dilay weeraradii bilowga ahaa, iyadoo booskiisa uu buuxiyey wiilkiisa Mojtaba Khamenei.

Mareykanka ayaa ku andacoonaya in Iran aysan hadda lahayn awood ay kaga hortagto weerarada dhanka cirka ah ka dib markii la burburiyey raadaarradii dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM