Trump oo Hanjabaad Culus u Diray Iran xilli ay diiday Wadahadalka Pakistan

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay inuu filayo inay billowdaan duqaymo ka dhan ah dalka Iran maalmaha soo socda, haddii aan xal laga gaarin kordhinta xabbad-joojinta u dhaxaysa labada dhinac oo ku eg maalinta Arbacada.

Trump oo la hadlayay taleefishinka CNBC ayaa sheegay inuu doorbidayo in ciidanku diyaar ahaadaan, isagoo yiri: "Waxaan filayaa inaan fulino duqaymo, waayo waxaan aaminsanahay inay taasi tahay mowqifka ugu wanaagsan ee lagu gali karo xaaladdan haddii heshiis la gaari waayo." Wuxuu intaas ku daray in ciidanka Maraykanku ay yihiin kuwo tayo leh, diyaarna u yihiin inay tallaabo qaadaan.

Inkastoo hanjabaaddu jirto, Trump ayaa dhinaca kale rajo ka muujiyay in heshiis la gaari karo, isagoo xusay inay jiraan wadahadallo hoose oo meel wanaagsan maraya.

Dowladda Pakistan ayaa isu diyaarinaysa inay martigeliso wareeg cusub oo wadahadal ah, kaas oo la filayo inay ka qaybgalaan Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka, JD Vance, iyo mas'uuliyiin kale oo sarsare.

Hase yeeshee, dowladda Iran ayaan weli xaqiijin ka qaybgalkeeda, waxayna aad uga caraysan tahay go'doominta lagu hayo xeebaheeda iyo markab dhowaan looga qabtay badda.

Mohammed Bagher Qalibaf, oo ah madaxa gorgortanka Iran, ayaa si cad u diiday hanjabaadda Trump, isagoo barta X ku qoray: "Ma aqbalayno wadahadal lagu gelayo hooska hanjabaadda." Wuxuu kaloo sheegay in Iran ay diyaar u tahay inay muujiso awoodeeda dhabta ah haddii ay dagaal timaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM

Mareykanka oo ansixiyey qorshe $24.3 bilyan oo diyaaradaha F-35 ah looga iibinayo Sacuudi Carabiya

Qorshaha hubka ayaa soo baxay iyadoo Xuutiyiintu si weyn u kordhiyeen…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 02:09AM