Trump oo Hanjabay inuu Maxkamad la Tagayo The New York Times iyo CNN

Image

WASHINGTON — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii ku hanjabay inuu dacwad maxkamadeed ka furi doono warbaahinta The New York Times iyo CNN, kadib markii ay faafiyeen warbixino sir ah oo ka hor imaanaya sheegashadiisa ku aaddan saameynta duqeymaha Mareykanku ka fuliyey goobo ceyriin nukliyeer ah oo Iran ku yaalla.

Warbixintii hordhaca ah ee sirta ahayd ee lagu daabacay CNN iyo The New York Times ayaa muujisay in weerarada aysan baabi'in barnaamijka nukliyeerka Iran si buuxda, balse ay dib u dhac ku keeneen muddo yar, taas oo ka duwan hadalkii Trump ku sheegay in goobo muhiim ahi “si buuxda loo baabi'iyey”.

Qareenka Trump, Alejandro Brito, ayaa warqad u diray The New York Times, isagoo ku eedeeyey warbixinta inay tahay “been, ceeb iyo waddan-nacayb,” kana dalbaday inay ka saaraan oo raaligelin ka bixiyaan . Jawaab ahaan, qareenka New York Times, David McCraw, ayaa shaaca ka qaaday inaysan jirin baahi wax sixid ah ama raaligelin ah, isagoo ku adkeystay in warbixintu ay tahay mid run ah .

Trump ayaa sidoo kale ku eedeeyey shaqsiyaad uga tirsan CNN — gaar ahaan weriye Natasha Bertrand — in ay yihiin “Fake News” iyo “dad xun oo ujeeddo xun leh,” isagoo baraha bulshada oranayay in la eryo .

CNN ayaa si buuxda u difaacday shaqaalaheeda, iyagoo sheegay in warbixintoodu ahayd mid sax ah, islamarkaasna lagu saleeyey warbixin hore oo sir ah, taasoo suurtagal ay tahay in la qiimeeyo markale.

Dhanka kale, Xafiiska Wasaaradda Difaaqa ayaa cadeeyey jiritaanka warbixinta sirta ahayd, balse sheegay in ay “kalsooni hoose” leedahay, iyada oo maamulka difaaca (Pentagon) uu bilaabay baaritaan ku saabsan sirta ku daadashadeeda .

Hanjabaadda Trump ayaa qayb ka ah isku dhaca sii kordhaya ee ka dhexeeya madaxdooda iyo warbaahinta Mareykanka, taasoo cabsi xoog leh gelisay xuquuqda saxaafadda iyo dhaqan-celinta suurtagalka ah ee lagu cabiray dacwooyinkii hore ee Trump ku oogay ABC, CBS iyo CNN .

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM