Trump oo Hanjabay inuu Maxkamad la Tagayo The New York Times iyo CNN

Image

WASHINGTON — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii ku hanjabay inuu dacwad maxkamadeed ka furi doono warbaahinta The New York Times iyo CNN, kadib markii ay faafiyeen warbixino sir ah oo ka hor imaanaya sheegashadiisa ku aaddan saameynta duqeymaha Mareykanku ka fuliyey goobo ceyriin nukliyeer ah oo Iran ku yaalla.

Warbixintii hordhaca ah ee sirta ahayd ee lagu daabacay CNN iyo The New York Times ayaa muujisay in weerarada aysan baabi'in barnaamijka nukliyeerka Iran si buuxda, balse ay dib u dhac ku keeneen muddo yar, taas oo ka duwan hadalkii Trump ku sheegay in goobo muhiim ahi “si buuxda loo baabi'iyey”.

Qareenka Trump, Alejandro Brito, ayaa warqad u diray The New York Times, isagoo ku eedeeyey warbixinta inay tahay “been, ceeb iyo waddan-nacayb,” kana dalbaday inay ka saaraan oo raaligelin ka bixiyaan . Jawaab ahaan, qareenka New York Times, David McCraw, ayaa shaaca ka qaaday inaysan jirin baahi wax sixid ah ama raaligelin ah, isagoo ku adkeystay in warbixintu ay tahay mid run ah .

Trump ayaa sidoo kale ku eedeeyey shaqsiyaad uga tirsan CNN — gaar ahaan weriye Natasha Bertrand — in ay yihiin “Fake News” iyo “dad xun oo ujeeddo xun leh,” isagoo baraha bulshada oranayay in la eryo .

CNN ayaa si buuxda u difaacday shaqaalaheeda, iyagoo sheegay in warbixintoodu ahayd mid sax ah, islamarkaasna lagu saleeyey warbixin hore oo sir ah, taasoo suurtagal ay tahay in la qiimeeyo markale.

Dhanka kale, Xafiiska Wasaaradda Difaaqa ayaa cadeeyey jiritaanka warbixinta sirta ahayd, balse sheegay in ay “kalsooni hoose” leedahay, iyada oo maamulka difaaca (Pentagon) uu bilaabay baaritaan ku saabsan sirta ku daadashadeeda .

Hanjabaadda Trump ayaa qayb ka ah isku dhaca sii kordhaya ee ka dhexeeya madaxdooda iyo warbaahinta Mareykanka, taasoo cabsi xoog leh gelisay xuquuqda saxaafadda iyo dhaqan-celinta suurtagalka ah ee lagu cabiray dacwooyinkii hore ee Trump ku oogay ABC, CBS iyo CNN .

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad diiday codsiga Netanyahu ee hakinta dhagaysiga dacwad musuqmaasuq

Dacwadda koowaad, Netanyahu iyo xaaskiisa Sara ayaa lagu eedeeyay in ay ka heleen taajiriin hanti badan oo lagu qiyaasay $260,000.

  • Caalamka

    27-06-2025

  • 12:32PM

Zohran Mamdani oo la filayo inuu noqdo Duqa ugu horreeya ee Muslim ah ee New York: Taariikh cusub 

Mamdani wuxuu ku dhashay Kampala, caasimadda Uganda, sanadkii 1991. Waalidkiis waxay asal ahaan ka soo jeedaan Hindiya.

  • Caalamka

    26-06-2025

  • 10:26AM