Trump oo jawaab culus kala kulmay Canshuurta uu kusoo rogay Canada iyo Mexico

Image

OTTAWA — Dowladah Canada iyo Mexico ayaa si isku mid ah ugu jawaabay, canshuur-kordhinti uu Sabtidi badeecadaha ay u soo dhoofiyaan Mareykanka saaray madaxweyne Donald Trump.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Sabtidi sheegay in ay dhaqan gashay tacriifta uu horay u saaray badeecadaha Mexico, Canada iyo Shiinaha. Canada iyo Mexico ayuu dul dhigay canshuur kordhin dhan %25. Mexico iyo Canada ayaa Axaddii shalay iyaguna ku dhawaaqay in si aargoosi ah ay 25% u saareen badeecadaha uu Mareykanka geeyo dalalkooda.

Canada waxay sheegtay in Talaadada berrito ah ay dhaqan geli doonto canshuur kordhinta koowaad oo ay sheegtay in ay saartay cabitaannada, alaabaha la isku qurxiyo, iyo warqadaha. Badeecadahaasi ayaa waxaa ku kacaya lacag dhan 20 bilyan oo dollar.

Wajiga labaad ayay sheegtay in ay saari doonto alaabo kale oo uu Mareykanka Canada u iib geeyo oo ay ku jiraan baabuurta yar yar, kuwa xammuulka, biraha iyo jaandiga, khudaarta iyo hilibka xoolaha iyo kuwa doofaarka.

Badeecadahaasi ayaa lagu qiyaasay lacag dhan 85 bilyan oo dollar sannadkiiba.
Dhanka Mexico, dowladdu waxay ilaa iyo hadda sheegtay kaliya in ay ku soo rogi doonto Mareykanka canshuuro aargoosi ah, iyada oo aan faah-faahin qiimaha iyo badeecadaha.

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM