Trump oo joojiyay xogihii dhanka Sirdoonka ee CIA-da la wadaagi jirtay Ukraine

Image

WASHINGTON — Mareykanka ayaa Arbacadi shalay jaray xogihii dhanka sirdoonka ee uu la wadaagayay Ukraine, tallaabadaas oo si weyn u yareyn karta awoodaha Kyiv ee sii wadista dagaalka muddada saddexda sano ay kula jirto Ruushka.

Washington ayaa aad u riixeysa wadahadallo nabadeed oo ay dooneyso in ay ku soo afjarto dagaalka labada dowladood ee derisk ah.

Madaxweyne Donald Trump ayaa horraantii todobaadkaan amray in la hakiyo gargaarka millatari ee uu Mareykanka siiyo Ukraine, maalmo yar kaddib marki ay hadallo kul-kulul Aqalka Cad isku weydaarteen isaga iyo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

Agaasimaha CIA-da, John Ratcliffe ayaa Arbacadii sheegay in Maraykanku uu xilligan la joogo soo afjaray la wadaagidda xogaha sirdoon ee xukuumadda Kyiv, inkastoo tallaabadani ay noqon karto mid gaaban ka dib markii Zelenskyy uu sheegay in hadaladii kululaa ee isaga iyo Trump ku dhexmaray xafiiska madaxtooyada ay ahaayeen "wax laga qoomameeyo" iyo in Ukraine ay diyaar u tahay wadahadal nabadeed oo ay la yeelato Ruushka.

Tan iyo bilawgii dagaalka ee sannadki 2022-kii, Maraykanku waxa uu Ukraine siinayay xogo sirdoon oo muhiim ah, oo ay ku jiraan macluumaadka xasaasiga ah ee ay u baahan yihiin milatariga si ay u beegsadaan ciidamada Ruushka.

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM