Trump oo ka walaacsan in Zohran Mamdani uu noqdo duqa New York

Image

New York – Donald Trump ayaa hanjabaad culus u jeediyay musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ee duqa magaalada New York, Zohran Mamdani, isaga oo sheegay in haddii Mamdani noqdo duqa magaalada, dowladda federaalku ay joojin doonto maalgelinta gobolka haddii aanu "sameyn waxa saxda ah."

Trump ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay Fox News oo la baahiyay Axaddii, isagoo si gaar ah u beegsaday Mamdani, kaasoo Talaadadii ku guuleystay tartanka hordhaca ah ee xisbiga Dimuqraadiga.

"Haddii uu guuleysto, anigu waxaan noqonayaa madaxweyne, isagaana noqonaya duqa magaalada. Haddii uusan sameyn waxa saxda ah, wax lacag ah ma helayaan. Waa inuu ku dhaqmaa si sax ah," ayuu Trump yiri.

Trump ayaa sii ballaariyay hanjabaadiisa, isagoo sheegay in cid kasta oo noqota duqa magaalada New York laga doonayo in ay "si habboon u dhaqmaan," haddii kale dowladda dhexe "si adag ayay uga falcelin doontaa dhinaca maaliyadda."

Donald Trump, oo horey uga digay gobollo iyo jaamacado haddii aysan u hoggaansamin siyaasadiisa, ayaa Mamdani ku tilmaamay “kommunist,” wuxuuna muujiyay argagax ku saabsan suuragalnimada in uu xilka qabto.

“Waa kommunist. Waxaan u arkaa arrin khatar ah oo ku ah magaalada New York,” ayuu yiri. “Waa arrin lala yaabo. Hore waxaan u oran jiray ‘weligay ma arki doono hogaamiye sosialist ah’, balse hadda waxay u muuqataa inaan heli doono kommunist.”

Zohran Mamdani ayaa Talaadadii kaga adkaaday tartanka hordhaca ah Andrew Cuomo, duqii hore ee gobolka New York, taasoo dhabbaha u xaaraysa inuu noqdo duqa magaalada New York — iyo Muslimkii ugu horreeyay ee qabta jagadaasi.

Mamdani ayaa caan ku ah taageeradiisa Falastiin iyo dhaleeceynta Israel. Wuxuu ka mid ahaa aas-aasayaashii ururka ardayda ee Students for Justice in Palestine ee jaamacadda Bowdoin College, waxaana sanadkii 2023 uu qeyb ka ahaa shaqa-joojin banaanbax ah oo ka dhacay afaafka hore ee Aqalka Cad, isaga oo dalbanayay xabad-joojin degdeg ah oo laga hirgeliyo Marinka Gaza.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamadeynta Netanyahu oo mar kale dib loo dhigay sababo amni awgood

Netanyahu ayaa horay u diiday dhammaan eedeymahaas, isagoo ku tilmaamay kuwo salka ku haya ujeeddooyin siyaasadeed.

  • Caalamka

    20-04-2026

  • 12:26PM

Iran oo Daldashay Rag lagu Helay inay u Shaqeynayeen Sirdoonka Israel

Sida ay sheegayaan ururrada xuquuqul laliska ee caalamiga ah, Iraan ayaa weli ah dalka labaad ee caalamka ugu dilka badan ka dib dalka Shiinaha.

  • Caalamka

    20-04-2026

  • 07:47AM