Trump oo Khalad ku tilmaamay Xogta Agaasimaha Sirdoonka ka heshay Nukliyeerka Iran

Image

Washington — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay in xogta Agaasimaha Sirdoonka Qaranka, Tulsi Gabbard, ay "khaldan tahay" kadib markay bishii Maarso hor-sheegtay Kongareeska in Iran aysan wadin barnaamij hub nukliyeer ah.

Waa markii labaad toddobaadkan uu madaxweynuhu si cad u diido qiimeynta madaxa sirdoonka ee isagu uu magacaabay.

Aqalka Cad ayaa toddobaadkan sheegay in Iran ay haysato dhammaan agabyada lagama maarmaanka u ah si ay u sameyso hub nukliyeer ah, isla markaana keliya uu ka dhiman yahay oggolaanshaha Hogaamiyaha Sare ee Iran. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Iran ay "aad ugu dhowdahay" inay hesho hub nukliyeer ah.

Tulsi Gabbard ayaa bishii Maarso Congress-ka ka hor sheegtay in sirdoonka Mareykanka "wali ku qiimeynayo in Iran aysan wadin barnaamij hub nukliyeer ah, islamarkaana Ayatollah Khamenei uusan dib u bilaabin barnaamijka uu joojiyay 2003."

Inkasta oo Gabbard mar dambe sheegtay in iyada iyo madaxweynuhu ay isku aragti yihiin, Trump ayaa si cad u beeniyay qiimeyntaasi Jimcihii, isagoo diirada saaraya inay go’aan ka gaari doonaan in Mareykanku ka qeyb qaato duqeymaha Israel ku hayso Iran, labada toddobaad ee soo socda.

Madaxweyne Trump oo yimid Bedminster, New Jersey, ayaa weriye weydiiyay: "Maxaad sirdoon ahaan u haysaa in Iran ay wado hub nukliyeer ah? Sirdoonkaagu wuxuu sheegay in aysan jirin caddeyn taas muujinaysa."

Trump ayaa ku jawaabay: "Hadday sidaas yiraahdeen, markaa sirdoonkaygu waa khaldan yahay."

Weriye kale ayaa xusay in Gabbard ay sheegtay aragtidaas. Trump ayaa si degdeg ah uga jawaabay: "Way khaldan tahay."

Trump ayaa sidoo kale yiri: Anigu waxaan aaminsanahay inay Iran aad ugu dhowdahay inay hesho nuclear."

Madaxweyne ku xigeenka JD Vance ayaa isna bartiisa X ku qoray: "Warbixinta Tulsi waxay ahayd bishii Maarso, wax badan baa tan iyo markaas is beddelay."

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa Khamiistii sheegtay in madaxweynaha uu go’aan ka gaari doono in Mareykanku ku biiri doonaa dagaalka Israel kula jirto Iran iyo in kale, laba toddobaad gudahood, isagoo fursad siinaya waddada diblomaasiyadeed.

Trump wuxuu yiri: "Waqti baan siiyay. La arki doonaa inta uu waqtiigaasi socon doono. Laakiin laba toddobaad ayaa ah waqtiga ugu dambeeya."

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa Jimcihii kula kulmay diblomaasiyiin reer Yurub ah magaalada Geneva, si wadahadalada nukliyeerka dib loogu bilaabo. Wuxuu sheegay inaysan wax wadahal ah la galayn Mareykanka inta Israel sii wado weerarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM