Trump Oo Ku Dhawaaqay Canshuuro Cusub Oo 30% Ah Ka Dhan Ah Midowga Yurub Iyo Mexico

Image

Washington, Luulyo 12, 2025 – Madaxweyne Donald Trump ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in uu saaray canshuuro cusub oo gaaraya 30% oo lagu soo rogay Midowga Yurub iyo Mexico — laba kamid ah lamaanayaasha ganacsi ee ugu waaweyn ee Maraykanka.

Trump ayaa ku shaaciyay go’aankan warqado uu ku baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo uu ugu diray hoggaamiyeyaasha labada dal.

Warqadda uu u diray Madaxweynaha Mexico, Trump wuxuu ku ammaanay dadaallada Mexico ee lagu xakameynayo tahriibayaasha aan sharciyeysnayn iyo daroogada fentanyl ee ku qulqulaya xuduudda, balse wuxuu sheegay in Mexico aysan weli si buuxda uga hortagin waxa uu ku tilmaamay “Goob Daroogo Lagu Ganacsado oo Waqooyiga Ameerika Noqotay.”

Dhanka kale, warqadda uu u diray Midowga Yurub ayuu Trump ku sheegay in khasaaraha ganacsi ee Maraykanka uu la leeyahay Yurub uu khatar ku yahay amniga qaranka.

“Sanado badan ayaan fursad u helnay inaan ka wada hadalno xiriirka ganacsi ee naga dhexeeya Midowga Yurub, balse waxaan go’aansanay in aan ka baxno khasaaraha ballaaran, muddo-dheer, iyo mid joogto ah ee naga soo gaara xiriirkaas. Tani waxaa keentay siyaasadaha canshuurta iyo xannibaadaha ganacsi ee aad nagu hayseen,” ayuu Trump ku yiri warqadda. “Xiriirkeenna ganacsi wuxuu nasiib darro ahaa mid aan is-dhaafsi ku dhisnayn.”

Go’aankan ayaa la filayaa inuu kiciyo xiisado cusub oo dhanka ganacsiga ah, iyadoo horey dalal badan uga falceliyeen siyaasadihii ganacsi ee Trump intii uu xukunka hayay. Ma jiro wax jawaab degdeg ah oo kasoo baxay Midowga Yurub ama Mexico marka laga hadlayo tallaabadan cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil ee Iran oo sii socda; in ka badan 1,045 qof oo la dilay

Xiisadda sii kordheysa ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in colaadda ay ku faafto Bariga Dhexe oo dhan.

  • Caalamka

    05-03-2026

  • 06:38AM

Mareykanka oo Markab dagaal oo Iran leedahay ku gubey meel ku dhaw Sri Lank 

Ugu yaraan 87 qof ayaa lagu dilay markabka la dejiyay, iyadoo lasoo badbaadiyay 32 of oo la geeyay Isbitaalo ku yaala Sri Lanka.

  • Caalamka

    04-03-2026

  • 10:31PM