Trump oo ku faaney Ciidamada dalkiisa weerarkii Venezuela kadib

Image

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ammaanay hawlgal militari oo ay ciidamadiisu ka fuliyeen dalka Venezuela, isaga oo sheegay in howlgalku ahaa mid aad u ballaaran oo aad u adag, isla markaana uu sababay in Mareykanku dardar geliyo soo saarista hubka.

Trump ayaa faahfaahin ka bixiyay baaxadda iyo kakanaanta hawlgalka, isaga oo xusay in ay ka qeybgaleen 152 diyaaradood. Wuxuu sheegay in howlgalku u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamada Mareykanka, halka uu tilmaamay in dhinaca kale ay dad badan ku dhinteen.

Sidoo kale, Trump ayaa sheegay in intii hawlgalku socday la jaray korontada ku dhowaad guud ahaan dalka Venezuela, taas oo qayb ka ahayd qorshaha militari ee la fulinayay.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa carrabka ku adkeeyay awoodda iyo horumarka hubka Mareykanka, isaga oo sheegay in dal kale uusan awoodin inuu fuliyo hawlgal heerkaas le’eg. Wuxuu ku eedeeyay in caqabadda kaliya ay tahay in hubka dalkiisa oo aan si degdeg ah loo soo saarin, isaga oo ballanqaaday in la dardargelin doono wax-soo-saarka Hubka.

Isaga oo ka hadlayay Madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro, oo lagu  qabtay howlgalkaas . Trump ayaa sheegay in muddo dheer la raadinayay. Wuxuu Maduro ku tilmaamay qof dambiyo badan galay, isaga oo ku eedeeyay inuu sababay dhimashada malaayiin qof, kuna dooday in Caracas ay ku taal xarun lagu waxyeeleeyo dadka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM