Trump oo loogu baaqay in uu soo wareejiyo cajalado

Image

Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan baarlamaanka dalka Maraykanka ayaa madaxweyne Donald Trump ugu baaqay in uu soo wareejiyo dhammaan cajaladaha laga duubay wada hadaladii dhexmaray isaga iyo hogaamiyihii hay'adda FBI-da James Comey ee uu shaqada ka tiray.

Hogaamiyaha xubnaha aqalka Senetka ee xisbiga Dimuqraadiga Charles Schumer ayaa ka digay in tirtiridda cajaladahaas ay sharciga ka soo horjeeddo.

Lindsey Graham oo isna ka tirsan Senate-ka kana mid ah xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegat in loo baahan yahay in "Aqalka Cad" ee Maraykanka looga arrimiyo uu caddeeyo in cajaladaha la sheegayo ay jiraan.

Hadaladan ayaa yimid ka dib markii Trump uu Twitterka ku soo qoray wax u muuqday hanjabaad aan toos ahayn oo uu jeediyay madaxii hore ee FBI.

Trump ayaa Comey uga digay todobaadkii hore in uu la hadlo warbaahinta, wuxuuna sheegay in "in ay u fiicnaan lahayd in uu rajeeyo in aan cajalado laga haynin" wadahadalladii dhexmaray.

Aqalka Cad wali ma uusan xaqiijinin mana diidin in ay jiraan cajaladahaas.

Lahaanshaha sawirka Getty Images Image caption Charles Schumer iyo Lindsey Graham oo ka tirsan Senate-ka ayaa doonaya in la soo wareejiyo wixii cajalado ah ee la hayo

Schumer ayaa ka digay in xubnaha Dimuqraadiga ee aqalka Senate-ku in aysan u codayn doonin madaxa cusub ee FBI ilaa iyo inta laga magacaabayo dacwad ooge si gaar ah u baara eedaymaha sheegaya in Ruushku uu farogeliyay doorashadii Maraykanka.

FBI ayaa baaraysa macquulnimada eedaymaha sheegaya in calaaqaad uu dhexmaray Ruushka iyo ol'olihii doorashada ee Trump.

Trump ayaa diiday in uu jiray xiriir noocaas ah, wuxuuna sheegay in Comey uu u xaqiijiyay in aan wax baaritaan ah lagu haynin. Wuxuu sheegay in uu Comey shaqada uga eryay in uusan si wanaagsan u qabanin hawshii loo idmaday.

Si kastaba ha ahaatee xisbiga Dimuqraadiga ayaa Trump ku eedeeyay in eryitaanka Comey uu yahay isku day uu ku doonay in uu ku carqaladeeyo baaritaannada ay FBI-du ku hayso isaga.

BBC

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM