Trump oo Shaaciyay Barnaamijka “Trump Card” oo ah Deganaansho Mareykanka oo $5 Milyan ah

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay in maamulka uu aqbalayo codsiyada barnaamij cusub oo loogu magac daray “Trump Card,” kaasoo ballanqaadaya deganaansho joogto ah oo lagu helayo lacag dhan $5 milyan.

Trump ayaa ku sheegay warkaasi Arbacadii, isagoo soo bandhigay website cusub oo loogu talagalay dadka daneynaya inay iska diiwaangeliyaan. Dadka booqda TrumpCard.gov waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay ku soo gudbiyaan magacyadooda, gobolka ay joogaan, ciwaanka emailkooda, iyo inay cadeeyaan haddii ay codsanayaan shaqsi ahaan ama shirkad ahaan, si “marka uu furan yahay helitaanka loo ogeysiiyo.”

“Kun kun oo qof ayaa soo wacay oo weydiiyay sida ay iskaga diiwaan gelin karaan si ay u helaan waddo qurxoon oo ay ku helaan dalka iyo suuqa ugu weyn adduunka,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ee Truth Social.

“Magaca waddanku waa UNITED STATES OF AMERICA. LIISKA SUGITAANKA HADA WAA FURAN YAHAY.”

Trump ayaa markii ugu horreysay soo jeediyay fiisaha deganaanshaha bishii Febraayo, isagoo sheegay in maamulka uu siin doono dadka hodanka ah “karta dahab ah” oo siinaysa xaqa deganaanshaha, shaqada, iyo jidka loo maro dhalashada.

“Waxay noqon doonaan dad hodan ah, guuleysta, lacag badan ayaa isticmaali doona, canshuur badan ayaa bixin doona, waxaana ay shaqo siin doonaan dad badan,” ayuu Trump markaas yiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM