Trump oo Sharciga Ka Qaadaya 530,000 Muhaajiriin ah 

Image

WASHINGTON – Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa qorsheynaya inuu sharciga ka qaado 530,000 oo muhaajiriin ah oo ka soo jeeda Cuba, Haiti, Nicaragua iyo Venezuela, taasoo noqonaysa tallaabo cusub oo lagu xoojiyo siyaasadda xakameynta muhaajiriinta ee Trump.

Go’aankan, oo dhaqan galaya 24ka April 2025, ayaa meesha ka saaraya barnaamijka "parole" ee muddo labo sano ahaa oo la siiyay muhaajiriintaasi, kaasi oo horay u oggolaa inay ku soo galaan dalka Mareykanka diyaaradaha haddii ay haysteen qof u jooga Mareykan ah oo u dooda.

Trump, oo ah madaxweyne ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, ayaa qaaday tillaabooyin lagu xoojinayo dhaqan-galka sharciyada muhaajiriinta tan iyo markii uu xilka qabtay, isagoo doonaya inuu kordhiyo tirada dadka uu tarxiilayo. Waxa uu ku dooday in barnaamijyada ogolaanshaha soo galitaanka ee uu bilaabay madaxweynihii hore ee xisbiga Dimuqraadiga, Joe Biden, ay ka gudbeen xuduudaha sharciga Federaalka, isaga oo ku baaqay in la joojiyo barnaamijyadan.

Biden ayaa bilaabay barnaamijka "parole" ee muhaajiriinta Venezuelans 2022, wuxuuna ku ballaariyay muhaajiriinta Cuba, Haiti iyo Nicaragua 2023, isagoo ka jawaabaya heerarka sare ee muhaajirinta sharci-darrada ah ee ka imanaya dalalkan. Xiriirka diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee dalalkan iyo Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid aad u xumaaday.

Go’aanka maamulka Trump ee ka qaadista sharciga muhaajiriinta ku nool dalka Mareykanka ayaa sababi kara in muhaajiriintaasi lagu celiyo dalalkooda. Waxaa weli aan caddeyn sida ay ku jiraan dadka soo galay Mareykanka ee haysta "parole" haddii ay helaan nooc kale oo ilaalin ama xaalad sharci.

Sida ku cad siyaasadda Trump ee la hirgeliyay January 2025, "expedited removal" waxaa loo adeegsan karaa muhaajiriinta Mareykanka ku sugan muddo laba sano ah ama ka yar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM