Trump oo sheegey halka uu kula kulmayo Madaxweynaha Kuuriyada Woqooyi

Image

WASHINGTON- Kadib markii la sugayey muddo asbuucyo ah, Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa maalinimadii Khamiista sheeegey in hogaamiyaha dalka Woqooyiga Kuuriya uu la kulmayo June 12, 2018. 

Waa Singapore- magaalo wadan oo ku taal Koonfurta Barri ee Asia ayaa waxaa ku nool Dad gaaraya 5.6 million.

Sadex arimood oo lagu xushey Singapore:

1-Singapore waxay xiriir la leedahay Washington iyo Pyongyang.

Singapore waxay xiriir  dhaqaale oo xor ah la leedahay dalka Mareykanka kaasoo ay kala saxiixdeen waqtigii xilka Madaxweyne uu hayey George W Bush iyadoo dhinaca kale mid diblomaasiyeed la leh dalka Woqooyiga Kuuriya.

2- u dhowaanshaha dalka Woqooyiga Kuuriya iyadoo ay ku adag tahay hogaamiyaha dalkaas inuu ku safro diyaardaha dalkiisa oo la sheegey iney gaboobeen kuwasoo aan ka bixi karin duulimaad dheer oo noqon kara dalalka taariikhda u leh martigalin kulamadaan oo kale Switzerland iyo Sweden.

3- Siyaasadiisa dhexdhexaadka ah taasoo ku saleysan gaar ahaan khilaafkii soo jiraanka aha ee u dhexeeyey Washington iyo Pyongyang.

Ku dhawaaqista xiliga uu kulankaan dhacayo ayaa ku soo beegmeysa xilli wadanka Kuuriyada Woqooyi xabsiga ka sii daayey 3 maxbuus oo u dhashey dalka Mareykanka.

Hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi ayaa tan iyo intii uu ku dhawaaqey inuu joojiyey soo saarista hubka dilaaga ah ‘Nukliyeerka’ ayaa la kumay sidoo kale Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya iyo China.

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM