Trump oo shir jaraa'id qabanaya kaddib markii la faafiyey warar ku saabsan Caafimaadkiisa

Image

Washington, D.C. – Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu qaban doono shir jaraa'id saacadaha soo socda, taasoo noqon doonta markii ugu horreysay ee uu si toos ah ula hadlo warbaahinta tan iyo bilooyinkii u dambeeyay.

Madaxweynaha oo 79 jir ah, ayaa si weyn loola xiriirinayay warar aan la xaqiijin oo sheegaya inuu la tacaalayo xanuun la yiraahdo chronic venous insufficiency (CVI), taasoo keentay in la isweydiiyo xaaladda dhabta ah ee caafimaadkiisa.

Inkastoo uu Trump Axaddii lagu arkay ciyaar golf ah oo uu la ciyaarayay caruurtiisa woqooyiga Virginia, haddana muuqaalladaasi wax badan kama bedelin shakiyaadka la xiriira caafimaadkiisa.

Warbixinta loo diray saxaafadda Aqalka Cad ee Isniinta ayaa si weyn loo hadal hayay, maadaama aysan faahfaahin ka bixin waxa uu Madaxweynaha kaga hadlayo shirka jaraa’id. Aqalka Cad wuxuu weli ku adkeysanayaa in Trump uu "ku sugan yahay xaalad caafimaad oo aad u wanaagsan."

Si kastaba ha ahaatee, wararka hoose ee la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in laga yaabo inuu Madaxweynaha ku dhawaaqo iscasilaad, iyada oo ay sii xoogaysanayaan tuhunka ku saabsan awoodiisa shaqo.

Dad mucaarad ku ah Trump oo la yiraahdo Republicans Against Trump, ayaa baraha bulshada ku qortay: "Trump wuxuu berri 2 duhurnimo kaga dhawaaqayaa wax ka tirsan Xafiiska Oval-ka. Ma is-casilaad ayuu wataa?"

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM