Trump oo Soomaaliya ku daray liiska dalal uu ka joojiyay Codsiyada Socdaalka Mareykanka

Image

WASHINGTON, 03 Diseembar 2025 — Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in si ku-meel-gaar ah loo joojiyay codsiyada socdaalka ee ka imanaya 19 dal, oo ay Soomaaliya ku jirto. Go’aankan ayaa yimid todobaad kaddib markii labo askari oo ka tirsan National Guard lagu dilay magaalada Washington, taasoo kor u qaaday walaaca ammaanka gudaha.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mareykanka (USCIS) ayaa horey u hakisay habraacyada magangelyo-doonka Jimcihii lasoo dhaafay. Madaxa hay’adda, Joseph Edlow, ayaa sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay in si adag loo hubiyo dadka ajnabiga ah ee codsiyada u soo gudbiya, si loo xaqiijiyo ammaanka dalka.

Dalalka ay saameysay hakinta waxaa ka mid ah Venezuela, Cuba, Haiti, Sierra Leone, Togo, Equatorial Guinea, Chad, Republic of Congo, Sudan, Soomaaliya, Libya, Burundi, Yemen, Iran, Turkmenistan, Afghanistan, Myanmar, iyo Laos. Qaar ka mid ah dalalkan ayaa horey uga jiray liiska xayiraadaha socdaalka ee madaxweynihii hore Donald Trump.

Talaabadan ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa xilli Madaxweyne Trump uu mar kale sare u qaaday hadalladiisa ka dhanka ah muhaajiriinta Soomaaliyeed ee Minnesota, isagoo sheegay in uusan rabin muhaajiriin ka imaanaya Bariga Afrika.

Saraakiisha socdaalka ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheynayaan howlgallo lagu baadho dadka sharci-darrada ah, gaar ahaan magaalooyinka Minneapolis iyo St. Paul, taasoo abuurtay walaac ballaaran oo ka dhex jira bulshooyinka muhaajiriinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM