Trump oo Twitter-ka ku weerarey Ra'isal wasaaraha dalka Ingriiska

Image

LONDON- Donald Trump ayaa Ra'isal wasaaraha dalka Ingriiska Thresa May u sheegey iney ku mashquusho aragagixisada ka jirta dalkeeda kadib markii ay ku eedeysay inuu sii faafiyey muqaalo kooxaha muslimka neceb ee garabka Midig ku baahiyeen baraha bulshada.

"Ha igu mashquulin aniga, ku mashquul burburka kooxaha xag jirka Mulimiinta ah u gaysanayaan dalka Ingriska," ayaa Madaxweynaha dalka Mareykanka bartiisa Twitter ku qorey.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa goor sii horeysay ku sii faafiyey bartiisa Twiter-ka sadex muqaal ay muslimka ka baahiyeen kooxaha xag jirka ah.

" Waxay aheyd arrin khaldan in Madaxwrynaha dalka Mareyknaka sidaas sameeyo," sidaas waxaa yiri afhayeen u hadlay RW dalka Ingriiska.

Dalka Mareykanka iyo Ingriiska ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir diplomaasiyeed oo aad u dhow. Theresa May ayaa aheyd hogaamiyihii ugu horeeyey ee booqda dalka Mareykanka markii la doortey Trump.

 

 

Muqaalka Madaxweynaha dalka Mareykanka sii faafiyey oo bartiisa twitter kala socdaan dad kor u dhaafey 40 milyan qof, ayaa markii hore waxaa soo dhigey Jayda Fransen, oo ku xigeen ka ah xisbi xag jira ah ee la yiraahdo Britain First.

Fransen, 31 jir ah, ayaa horey dalka Ingriiksu eedeymo ugu soo oogey kadib markii hadalo baqdin galin iyo aflagaado ah ka jeedisay isu soo bax dhowaan ka dhacey magaalada Belfast.

Shaqsiyaad kale oo muhiim ah ayaa Madaxweynaha dalka Mareykanka ku eedeeyey talaabadaan muqaalkaan uu ku faafiyey waxaana kamid ah wadaadka diinta Masiixiga u qaabilsan dalkaas Justin Welby oo sheegey iney tahay wax laga xumaado in Trump baahiyo codadka xag jira ah.

Waxaa jira codad dalbanaya baajinta booqasho la filayo in Madaxweyne Trump ku yimaado dalka Ingriiska inkasta oo xafiiska Theresa May xaqiijiyey Arbacadii iney waxba iska badalin casumaadii loo fideyey hogaamiyaha Mareykanka.

GO + Wakaaladaha

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM