Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Image

GYEONGJU, Kuuriyada Koonfureed — Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Arbacadii sheegay inuu amray Waaxda Difaaca in “si degdeg ah” loo bilaabo tijaabinta hubka nukliyeerka, si Maraykanku ugu tartamo awood ahaan dalalka kale.

“Sababtoo ah barnaamijyada tijaabada ee dalalka kale, waxaan amray Waaxda Dagaalka in ay bilowdo tijaabinta Hubka Nukliyeerka ee Maraykanka si siman,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social ka hor kulankii uu la lahaa Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ee Kuuriyada Koonfureed. “Hannaankan wuxuu bilaaban doonaa isla markiiba.”

Tijaabadii ugu dambeysay ee hubka nukliyeerka ee Maraykanka waxaa la xaqiijiyay inay dhacday sanadkii 1992, markii Madaxweyne George H.W. Bush uu ku dhawaaqay mamnuucid ku saabsan tijaabooyinka dhulka hoostiisa. Maraykanku wuxuu awood u leeyahay inuu dib u bilaabo tijaabooyinka goob federaal ah oo ku taalla Nevada.

Trump ayaa sheegay in go’aankan uu ku saleysan yahay sidii Maraykanku ula gaari lahaa isu dheelitirnaan la xiriirta Moscow iyo Beijing. “Maraykanku wuxuu leeyahay Hub Nukliyeerka ugu badan marka loo eego dalal kale,” ayuu ku yiri qoraalkiisa, isagoo intaa ku daray, “Ruushka ayaa labaad, Shiinuhuna waa saddexaad oo fog, balse wuxuu gaari doonaa kaalinta labaad shan sano gudahood.”

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan — 5,449 halka Maraykanku leeyahay 5,277. Maraykanka iyo Ruushka waxay wadaagaan qiyaastii 90% hubka nukliyeerka ee dunida oo dhan.

Ruushku wuxuu Arbacadii ku dhawaaqay tijaabo hubka nukliyeerka ee badda ka shaqeeya oo masaafo dheer, wuxuuna dhawaan tijaabiyay gantaal awood u leh inuu qaado hub nukliyeer.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM