Trump “Ruushka waan ka caawinaynaa qaraxa St-Petersburg”

Image

Dowlada Maraykanka ayaa balanqaaday in ay Ruushka gacan ka siin doonaan baaritaanada qaraxani .

Madaxwayne dalka Maraykanka Donald Trump ayaa u balanqaaday dhigiisa Ruushka in xukuumaddiisu ay ka caawin doonto Moscow sidii cadaalada loo hor keeni lahaa kuwii ka danbeeyay qaraxii ka dhacay magaalada Labaad ee ugu weyn dalkaas.

Tirada dhimashada ayaa kor u kacday, waxaana la xaqiijiyay inay geeriyoodeen ilaa 11 qof, halka goobaha caafimaadka lagu daweeyay 50 qof.

Warbaahinta dalka Ruushanka ayaa baahisay in la aqoonsaday ruuxii ka dambeeyay qaraxaas oo la sheegay inuu ahaa 20 jir kasoo jeeda qaaradda Asia.

Wali waadax ah looma soo bandhigay sababta lagu aqoonsaday iyo xogtiisa oo dhammaystiran.

Basle maamulka magaalada St-Petersburg, ayaa sheegay in qaraxaas uu bambaano uu isku soo xiray ruuxa weerarka gaystay.

Weerarkan ayaa lala xiriirinayaa falalka Argagixisada, sida uu  Ra’isal wasaaraha dalkaas Dmitry Medvedev ku qoray bartiisa Facebook.

Madaxweyne Putin ayaa ku sugnaa magaalada St-Petersburg, markii uu qaraxu dhacay.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay ruusha 03 April, 2017.

Maamulka magaalada uu weerarku ka dhacay ayaa ku baaqay in la sameeyo saddex maalmood oo baroor diiq ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM