Trump: Waan ognahay halka uu Khamenei ku sugan yahay, Ma rabno inaan dilno hadda!
WASHINGTON – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay in Washington ay "si sax ah u ogtahay" meesha uu joogo Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, isagoo ku tilmaamay "bartilmaameed fudud," balse uu sheegay inuusan hadda qorsheynin in la beegsado.
“Waxaan si buuxda u ognahay halka uu ‘Hogaamiyaha Sare’ ee la sheegay ku dhuumanayo. Waa bartilmaameed fudud, balse hadda wuu nabad qabaa – Ma doonayno inaan beegsanno (dilno!), ugu yaraan hadda maaha,” ayuu Trump ku yiri farriin uu ku baahiyay baraha bulshada. “Laakiin ma rabno in gantaallo lagu dhufto shacabka ama askarteena. Dulqaadkeenna waa gabaabsi. Mahadsanidiin!”
Trump ayaa fariin kale oo dheeri ah ku qoray: “ISDHIIBID SHURUUD LA’AAN AH!”
Hadalladan ayaa yimid daqiiqado yar kadib markii Trump uu ku andacooday inuu "si buuxda oo dhameystiran" gacanta ugu hayo hawada sare ee Iran.
Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa Isniintii xaqiijisay in lagu xoojiyay ciidamada gobolka Bariga Dhexe, tallaabo uu Wasiirka Difaaca Pete Hegseth ku sheegay mid “is-difaac ah,” xilli warar isa soo taraya ay sheegayaan in ciidamada Mareykanka ay suuragal tahay inay ku biiraan dagaalka Israel ay kula jirto Iran.
Sarkaal ka tirsan difaaca Mareykanka ayaa u sheegay Anadolu News in Hegseth uu amar ku bixiyay in Nimitz Carrier Strike Group loo raro aagga CENTCOM si loo adkeeyo difaaca iyo badbaadada shaqaalaha Mareykanka.
Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay tan iyo Jimcihii, kadib markii Israel ay duqeymo ballaaran ka fulisay goobo milatari iyo kuwa nukliyeer ee gudaha Iran, taasoo dhalisay in Tehran ay jawaab celin gantaallo ah ka bixiso.
Mas'uuliyiinta Israel ayaa sheegay in ugu yaraan 24 qof lagu dilay, boqollaal kalena lagu dhaawacay weerarada Iran. Dhinaca kale, Iran ayaa sheegtay in 224 qof lagu dilay, in ka badan 1,000 kalena lagu dhaawacay duqeymaha Israel.
GAROWE ONLINE