Trump: Weerarkii Mareykanka ee Iran waxuu la mid ahaa duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki

Image

Amsterdam, Juun 25, 2025 – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa abuuray hadal-heyn caalami ah kadib markii uu shir-madaxeedka NATO ee ka socda dalka Netherlands ka sheegay hadal uu weerarro diyaaradeed oo Mareykanku dhawaan ku qaaday xarumo nukliyeerka Iran la barbardhigay duqeyntii atomikada ahayd ee Hiroshima iyo Nagasaki ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Trump oo ka hadlayay weerarkii Sabtidii ee Mareykanku ku qaaday goobaha nukliyeerka Iran ayaa yiri: "Weerarkaas wuxuu soo afjaray dagaalka. Ma rabo inaan tusaale u soo qaato Hiroshima ama Nagasaki, laakiin waxay ahayd isla sidaas — waa waxii soo afjaray dagaalkaas. Tani waxay soo afjartay dagaalkan. Haddii aanan meesha ka saarin, dagaalka weli wuu socon lahaa maanta."

Hadalkan ayaa yimid xilli madaxda NATO ay durbaba dareensan yihiin walwal ku saabsan hadallo uu Trump horay u jeediyay oo uu ku su'aal gelinayay sida Mareykanku uga go'an yahay difaaca wadajirka ah ee ku cad Qodobka 5aad ee heshiiska NATO. 

Waxyaabaha Trump ku sheegay weerarka iyo barbardhigga uu sameeyay ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli uu jiro heshiis xabbad-joojin ah oo kacsan oo u dhexeeya Israel iyo Iran, kaasoo uu Trump sheegtay in Mareykanku door muhiim ah ku lahaa dejintiisa. Inkastoo xabbad-joojintu wali ay jirto, hadalka Trump iyo weerarradii ballaarnaa ee Mareykanka ku qaaday Iran ayaa si weyn u kiciyay falcelin caalami ah.

Diblomaasiyiin badan iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in isbarbardhigga Trump u sameeyay Hiroshima uu halis ku yahay diblomaasiyadda caalamiga ah, isla markaana uu dhaawacayo isku dayada xasillinta gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM