Trump: Zelenskyy waa kaligii taliye bilaa doorasho ah

Image

WASHINGTON — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii shalay si kulul u weeraray madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, isaga oo ku tilmaamay in uu yahay "kaligii taliye bilaa doorasho ah," ka dib markii Zelenskyy uu ku eedeeyay Trump inuu ku nool yahay "goob marin-habaabineed " oo uu Ruushku saameeyay.

Trump ayaa todobaadki hore si lama filaan ah u shaaciyay in uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Ruushka, Vlademir Putin, tallaabadaas oo loo arko billowga dadaal uu wado maamulka cusub ee madaxweybe Trump si loo soo afjaro dagaalka Ukraine.

Hase yeeshee, tallabadaasi ayaa u muuqata in uusan ku qancin madaxweyne Volodymyr Zelenskyy. Kaas oo muujiyay cabsi ah in madaxweynaha Mareykanka uu isku dayayo in uu dagaalka ku soo afjaro shuruudo aad ugu wanaagsan Moscow marka loo eego Kyiv.

Qoraallo isdaba joog ahaa oo uu Trump soo dhigay bartiisa bulshada ee Xaqiiqda, ayuu ku eedeeyay Zelenskyy in uu diidanyahay in uu doorasho ka qabto Ukraine. Bishii April ee sannadki 2024-ki ayay u qorsheysneyd in ay dhacdo doorashada Ukraine, hase yeeshee waxaa dib u dhigay duullaanki uu Ruushka ku qaaday bishii Febraayo ee sannadki 2022.

Trump ayaa ku sifeeyay Zelenskyy in uu yahay “majaajiliiste ilaa xad guuleystay”. Wuxuu kaloo sheegay in uu Mareykanka kala hadlay qarashgareynta $350 bilyan oo dollar si uu u galo dagaal uusan ku guuleysan karin, isla markaana ay mudneyd in uusanba billaabanin dagaalkaasi.

Hadalladan ay is weydaarteen Trump iyo Zelenskyy ayaa imanaya, maalin kaddib marki ay wasiirrada arrimaha dibadda Mareykanka iyo Ruushka ku kulmeen magaalada Riyadh, halkaas oo ay uga dhawaaqeen guddiyo heer sare ah oo soo diyaarin doono hannaanka loo soo afjari karo dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM