Turkiga oo diiday sheegashada Trump ee ah in Ankara ay la wareegtay Suuriya

Image

Istanbul – Turkiga ayaa Arbacadii diiday sheegashada madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ee ah in fallaagada xukunka ka tuurtay Suuriya Bashaar al-Assad ay taageero ka heleen xukuumadda Ankara.

"Uguma yeeri doonno la wareegitaanka, sababtoo ah waxay noqon doontaa qalad weyn in si qaldan loo fasiro waxa ka dhacaya Suuriya," wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa sidaas u sheegay Aljazeera.

"Dadka Suuriya, ma ahan cadow shisheeye oo la wareegay dalka, ee waa rabitaanka shacabka Suuriya isbedelka dhacay," ayuu hadalkiisa raaciyay wasiirka.

Isniintii, Trump wuxuu yiri: "Kooxaha qabsaday Suuriya waxaa maamula Turkiga."

Tan iyo maalmihii ugu horeeyay ee kacdoonka ka dhanka ah Asad ee qarxay 2011, Turkiga ayaa loo arkayay inuu yahay taageeraha muhiimka ah ee mucaaradka dalkaas.

Waxa ay dowladda Turkiga martigelisay mucaarad siyaasadeed iyo sidoo kale malaayiin qaxooti ah iyo sidoo kale waxa ay taageertay jabhadaha dagaalka kula jira ciidanka Bashaar Al-asad.

Bashaar inuu beesha ka baxo waxay dani ugu jirtaa Turkiga, maadaama uu ahaa shaqsi shiico ah oo Iran iyo Ruushka ku xiran, islamarkaana xasuuqayay dadka suniga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM