Uhuru iyo Raila oo kulmay, balan-qaadayna dib u heshiisiin

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa la kulmay Raila Odinga maanta oo Jimco ah markii ugu horeysay tan iyo doorashadii natiijadeeda muranka dhalisay ee sanadkii tagey ka dhacday dalkaasi.

Waxay ku heshiiyeen Madaxweyne Uhuru iyo hogaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga inay meel iska dhigaan khilaafka u dhaxeeya, oo ay kawada shaqeeyaan dib u heshiisiin iyo midaynta shacabka Kenya.

Uhuru iyo Raila oo si wada jir ah ula hadlay Saxaafadda kulanka kadib, ayaa waxay sheegeen in Kenya ay ka weyn tahay khilaafkooda shaqsiyadeeda, islamarkaana la joogo waqtigii ay midooni lahaayeen.

Waxay ahayd maalin farxad leh, oo ay shacabka Kenya shaashadaha Muuq-baahiyaasha [TV] ka daawadaan labada hogaamiye oo kulmay, tan iyo doorashadii ku celiska ahayd ee 26-kii October ka dhacday Kenya.

Kenyatta iyo Odinga ayaa isku raacay inay dhisaan xafiis cusub shaqaalahiisa yihiin la taliye-yaal, kuwaasi oo ka shaqeyn doono xalinta kala qeybsanaanta shacabka, musuq-maasuqa iyo xiisadii ka dhalatay doorashada.

"Waxaa na saaran waajibaad ka hogaamiye-yaal ahaan inaan xal u helno khilaafka ka jira Kenya, doorasho way timaadaa, wayna dhamaataa, laakiin shacabka waa kuwa jooga," ayuu yiri Uhuru.

Uhuru ayaa loo dhaariyay markii labaad xilka Madaxweynaha bishii November kadib markii ay Maxkamadda sare ee dalkaasi ay ayiday natiijada doorashadii ku celiska oo Raila aan ka qeyb-qaadan.

Ku dhawaad 100 ruux oo Kenyan ah ayaa ku dhimatay rabashadihii dhacay doorashada kadib, ee dhexmaray Ciidamada amaanka iyo taageeriyaasha Raila Odinga taasi oo saameysay dalka Kenya.

Bishii January, Raila Odinga ayaa isku-caleema saarey inuu yahay "Madaxweynaha Shacabka" xaflad ka dhacday Nairobi park, isagoo diiday inuu Uhuru Kenyatta u aqoonsado inuu yahay Madaxweynaha sharciga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM