Uhuru oo la caleema-saarayo iyo Raila oo diiday ka qeybgalka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Kumanaan qof oo dadweyne ah, Madax ka kala socoto caalamka iyo Africa ayaa ka qeybgalaya caleema-saarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.

Madaxweyniyaasha 14 dal oo uu kamid yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ka qeybgalaya munaasabada oo ka dhacaysa Kasarani Sports Stadium.

Uhuru ayaa loo dhaarinayaa isaga iyo ku xigeenkiisa William Ruto xilka markale inay Kenya hogaamiyaan shanta sano ee soo socota, kadib markii ay ku guuleysteen doorashadii kuu celiska ee 26-kii October.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya David Maraga ayaa dhaarin doono Uhuru, isagoo kadib jeedin doono Khudbadiisa dastuuriga ah, taasi oo uu uga hadli doono qorshahiisa shanta sano ee soo socota.

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa diiday inuu ka qeybgalo munaasabadda dhaarinta Uhuru, wuxuuna xisbigiisu shaaciyay in doorashadii ku celiska ahayd u dhacday si sharci darro ah.

Amaanka Nairobi, gaar ahaan Garoonka Kasarani ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo laga cabsi qabo inay dhacaan rabshado ay sameeyaan taageeriyaasha xisbiga mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM