US iyo Turkey oo ka shiray xaaladda dalka Syria

Image

November 23, 2014 (GO)- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka Joe Biden oo shalay oo Sabti ahay ku kulmay magaalada Istanbul ayaa isla soo qaaday xaaladda dalka Syria iyo weliba sidii xukunka looga tuuri lahaa Bashar Al-asad islamarkaana dowlad kumeel gaar ah dalkaas loogu dhisi lahaa.

Labda mas'uul oo kulankooda kadib si wadajir shir-saxaafadeed u qabtay, waxay sheegeen in laysku afgartey mucaaradka Syria in taageero maaliyadeed iyo mid militeriba loo fidiyo si awood ugu yeeshaan inay meesha ka saaraan nidaamka Asad.

Waxaa sidoo kale kulanka looga wada hadlay khatarta ka imaan karta kooxda IS iyo weliba  sidii laysula dejin lahaa istaraatiijiyad dhameystiran oo ku aadan la dagaalanka kooxdaas oo awoodeeda kusii baahineysa qaybo kamid ah dalalka Syria iyo Ciraaq.

Dowladda Turkiga oo walaac xooggan ka qabta in qalalaasaha ka taagan Syria dhankeeda usoo gudbo, waxay horay u shaacisay inaysan si toos ah qayb uga noqon doonin hawlgalka Maraykanku hormuudka ka yahay ee ka dhanka ah IS, balse waxay u ogolaatey dagaal-yahannada Kurdishka ee Peshmerga inay ka gudbaan xuduudka dalkeedu la wadaago Syria si ay u gaaraan magaalada Kurdiyiintu difaacanayaan ee Kobane..

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Dalbadey Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize 

Aqalka Cad iyo Guddiga Abaalmarinta Nobel ee Norway ayaa ka gaabsaday in ay ka jawaabaan codsiyo warbaahinta ku saabsan warkan.

  • Caalamka

    18-08-2025

  • 06:16AM

Caasimadda dalka Yemen, Sanca ah oo La Duqeeyay - Fahfaahin

Dhinaca kale, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa horey u qaaday weerarro cirka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta.

  • Caalamka

    17-08-2025

  • 05:46AM