USA: Dibad-baxyo rabshado wata oo ka dhacay Ferguson

Image
Image
Image

November 25, 2014 (GO)- Dibad-baxyo rabshado wata ayaa ka dhacay magaalada Ferguson ee ku taalla gobolka Missouri ee dalka Marayakanka, saacado kadib markii la shaaciyey natiijada kasoo baxday baaritaan ay sameeyeen  guddi madax bannaan oo loo saaray dilka wiil madow ahaa oo bishii August ee lasoo dhaafay askari booliska ka tirsan oo caddaan ahi toogtey.

Guddiga ayaa shaaciyey in falkaasi ahaa mid u dhacay si aan ula kac ahayn sidaas darteed askariga dilka geystey aan wax dambi ah lagu soo oogi karin.

Kumannaan dhallinyaro ah oo ka careysan go'aankaas ayaa isugu soo baxay jidadka muhiimka ah ee magaalada Ferguson iyagoo dab qabadsiiyey dhowr gaari oo kuwa booliska ah islamarkaana bililiqeystey goobo ganacsi oo dhowr ah.

Dhanka kale Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ugu baaqay bulshada madowga ah ee magaaladaas ku dhaqan inay xaaladda dejiyaan, isagoo ku tilmaamay wax aan munaasib ahayn in la carqaladeeyo xasiloonida islamarkaana lagu xad gudbo hantida gaarka loo leeyahay.

Wiilka la diley oo 18 jir ahaa laguna magacaabi jirey Michael Brown waxaa 9-kii bishii August ee lasoo dhaafey toogasho ku diley Darren Wilson oo ah askari caddaan ah oo booliska ka tirsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo diiday xabbad-joojin ku meel gaar ah

Baqaei ayaa sheegay in Tehran ay gudbisay shuruudo ku saleysan danaha qaranka iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaal.

  • Caalamka

    06-04-2026

  • 04:33PM

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM