USA: Jamhuuriyiinta oo ku guuleystey aqalabiyadda Senate-ka

Image
Image
Image
Image

November 5, 2014 (GO)- Xisbiga Jamhuuriga  ee dalka Maraykanka ayaa ku guuleystey hogaaminta aqalka Sanate-ka (guurtida) kadib markii uu helay tiradii kuraasta ee looga baahnaa si uu gacanta ugu dhigo aqlabiyadda Senate-ka.

Gobolada Jumhuuriyiitu guulaha ugu waaweyn kasoo hoyeen waxaa kamid ah: South Dakota, West Verginia, Arkansas, Montana, Iowa, Colorado iyo North Colorado.

Xisbiga Jamhuurigu wuxuu ku guuleystey 52 kursi oo kamid ah 100ka gursi ee goluhu ka kooban yahay halka dimuqraadiyiintu heleen 45 kursi oo qura. Tirinta codadka ayaa weli ka socota gobolada qaar, waxaana la saadaalinayaa in tirada kuraasta jamhuuriyiintu intaas ka badato.

McConnell oo laga soo doorto gobolka Kentucy ayaa noqon doona gudoomiyaha cusub ee golaha sare ee Congress-ka Maraykanka (Senate House). 

Horay Jamhuuriyiintu waxay u haysteen aqlabiyadda aqalka hoose ee Congress-ka ( House of Representatives).

Guusha xisbiga jamhuurigu ka gaarey labada aqal ee Congress-ku waxay caqabad ku noqon doontaa siyaasadda maamulka Madaxweyne Barack Obama labada sano ee uga dhiman mudada xukunkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Sébastien Lecornu oo Is Casilay Bil Kadib Markii Loo Magacaabay Xafiiska

Xasilooni darrada siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa caqabad ku noqotay dadaallada dowladda Faransiiska ee lagu xallinayo caqabadaha.

  • Caalamka

    06-10-2025

  • 11:42AM

Japan oo markii ugu horreysay yeelatay Ra’iisul Wasaare dumar ah

Takaichi ayaa sidoo kale sheegtay in ay doonayso in ay dib u soo noolayso sumcadda xisbiga LDP.

  • Caalamka

    04-10-2025

  • 12:32PM