Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Image

WASHINGTON – Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa qiratay inay khalad ahayd khariidad Afrika ah oo lagu soo bandhigay shir caalami ah oo ka dhacay magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil, kaddib markii dalal badan si khaldan loogu calaamadeeyay goobahooda.

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan oo Afrikaan ah: Nigeria, Mozambique, Uganda, Côte d’Ivoire, Malawi iyo Cameroon. Hase yeeshee, midkoodna si sax ah looguma tilmaamin meesha uu kaga yaallo qaaradda.

Tusaale ahaan, Nigeria oo leh xeeb dheer ayaa loo muujiyay dal aan bad lahayn, halka Mozambique oo ku taalla koonfur-bari Afrika loo raray Geeska Afrika. Sidoo kale, Côte d’Ivoire ayaa lagu calaamadeeyay dhinac gebi ahaanba ka duwan halka ay ku taallo.

Sawirka khariidadda ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada, iyadoo falanqeyn ay samaysay Reuters ay sheegtay in muuqaalka uu watay calaamad muujinaysa in lagu sameeyay qalab sirdoon macmal (AI).

Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in khaladka uu dhacay daqiiqadihii ugu dambeeyay ka hor bandhigga, markii xubin ka tirsan kooxda ay si degdeg ah wax uga beddeshay muuqaalka.

“Waxaan si buuxda u qaadaneynaa mas’uuliyadda jahawareerka iyo sawirka khaldan ee arrintani u abuurtay ka qaybgalayaasha, gaar ahaan saaxiibbadeenna Afrika,” ayuu yiri afhayeenku.

Dhacdadan ayaa timid xilli Waaxda Arrimaha Dibadda ay wajahday dib-u-habeyn ballaaran tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump dib ugu soo laabtay Aqalka Cad. Dib-u-habeyntaasi waxay keentay dhimista maalgelinta caafimaadka caalamiga ah iyo shaqo ka tagga tiro badan oo khubaro muddo dheer ka shaqeynayay waaxda.

Cameron Hudson, oo hore uga soo shaqeeyay Waaxda Arrimaha Dibadda iyo Golaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, ayaa sheegay in qaladkan uu ka tarjumayo saameynta ay leedahay dhimista shaqaalaha iyo waayo-aragnimada.

Wuxuu ka digay in khaladaadka noocan oo kale ahi aysan dhaawaceyn oo keliya sumcadda Mareykanka, balse ay sidoo kale saameyn karaan howlaha kale ee muhiimka ah ee diblomaasiyadda, sida wada-hadallada caalamiga ah ee arrimaha amniga iyo nukliyeerka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles