​Waqtiga la qabanayo Doorashada Kenya oo la shaaciyay

Image

NAIROBI, Kenya- Guddiga doorashada iyo xuduudaha Kenya ee loo soo gaabiyo magacooda IEBC, ayaa ku dhawaaqay waqtiga la qabanayo doorashada Madaxtinimo ee dalkaas kadib markii Maxkamadda sare ay laashay natiijadii doorashadii hore ee uu ku guulaystay Madaxweynaha hadda talada haye ee Uhurru Kenyatta.

War qoraal ah oo kasoo baxay Guddiga  IEBC ayaa lagu sheegay in doorashada waddanka ay qabsoomi doonto 17 bisha October ee Sannadkan 2017 islamarkaana ay ku tartami karaan murashaxiinta  kala ah Raila Odinga ee isbahaysiga NASA ee mucaaradka ah iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ee xisbiga Jubilee oo kaliya ay u tartami karaan doorashada, maadaamaa labadoodu ahaayeen kuwii go'aanka maxkamadda lagu saleeyay.

Labada Xisbi ayaa bilaabay Olole ay ku raadinayaa inay helaan talada waddankaas, inkastoo ay jirto walaacyo ay qabaan labada dhinac.

Labada Xisbi ayaa isku haysta cidda doorashada qabanqaabinaysa, waxaana NASA ku doodaysaa in meesha laga saaro guddiga IEBC ee hadda jira maadaamaa maxkamadda ku xukuntay in ay ku xadgudbeen mas'uuliyadooda, balse Jubilee ayaa ku adkaysanaysa in cid aan ahayn IEBC aysan doorashada qaban doonin.

Lama oga waxa laga yeeli doonaa qodobkaasi doodu ka taagantahay, balse waxaa hadda labada xisbi ku howlanyihiin sidii ay u heli lahaayeen kalsoonida shacabka, maadaama dastuurka dalkaasi uu qabo in muddo 60 maalmood gudahood  ah doorasho lagu qabto laga bilaabo maalinta ay maxkamad laasho natiijada.

Maalintii jimcaha ayay maxkamadda sare ee Kenya laashay natiijadii doorashadii dhacday 8-dii bishii Agoosto, taas oo guddiga shaaciyeen in uu ku guuleystay Uhuru Kenyatta.

Go'aanka maxkamadda ayaa waxaa aad u bogaadiyay mucaaradka iyo beesha caalamka qaarkeed, waxaana dhacay mudaaharaadyo waawayn oo lagu taageerayo.

Maxkamadda ayaa sheegtay in doorashadaasi lagu shubtay, islamarkaasina aysan ahayn mid xalaal ahayd.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM