​Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya oo geeriyooday

Image

NAIROBI, Kenya- Sida lagu daabacay maanta oo Sabti ah [08 July, 2017], wakaaladaha wararka dalka Kenya, waxaa geeriyooday wasiirka Amniga dalkaas Joseph Nkaissery.

Joseph, ayaa xalay abaaro 03AM, aaday Isbitaalka Karen, halkaasoo doonayay inuu ku maro tijaabo caafimaad [Medical Chek up], xilli uu shalay ka qayb galay isu soo bax ballaaran oo ka dhacay fagaaraha Uhuro Park.

Lama oga sababta keentay Geerida mas’uulkan, balse waxaa saraakiil u hadlay Wasiirka dhintay ay sheegeen inuu u muuqday mid caafimaad qaba xilliga uu aadayay cusbitaalka.

Qoraal kasoo baxay Agaasimaha Madaxtooyada dalka Kenya, oo sidoo kale algu xaqiijiyay geerida wasiirkii Amniga ayaa lagu sheegay inay aad uga xunyihiin dhimashada  Joseph Nkaissery, iyadoo intaas la raaciyay inay u baahanyihiin tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan sida ay ku timid Geeridan.

Maydka Wasiirka dhinta ee Joseph ayaa lagu wadaa in la geeyo xarun lagu magacaabo “Lee Funeral Home”, halkaasoo lagu samayn doono baaritaan caafimaad oo la xariira sababta keentay dhimashada mas’uulkan.

Ninkan ayaa muddo kamid ahaa golaha xukuumadda Kenya, waxaana Madaxweyne Uhuro Kenyatta booska Wasiirka Amniga u magacaabay 2, 2014 isagoo waqtigaas badalay Joseph Ole Lenku.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM