​Wasiirkii Caafimaadka Tunusia oo dhintay isagoo Ordaya

Image

Wasiirkii Caafimaadka dalka Tunusia ayaa u dhintay Wadna xanuun Axaddii, isagoo ka qayb qaadanayay Orod lacag loogu aruurinayay dhismaha xarun loogu talo galay in lagu daweeyo Carruurta la nool Cudurka Kansarka.

Slim Chaker oo ahaa 56 sano jir, ayaa istaaga ka dhacay kadib markii uu Orday masaafo gaaraysa 500 Mitir. Markii dambe wuxuu ku geeriyooday Cisbitaal ay leeyihiin ciidamada Milatariga dalkaas.

Ra’isal wasaaraha dalkaas, Youssef Chahed, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ku sheegay inuu waayay shakhsi iyo saaxiib uu dunida ku lahaa, isagoo tacsi u diray umadda reer Tunusia ee uu ka baxay.

“Waxaan waayay walaal iyo rafiiq aan lahaa, wuxuu dhintay isagoo ka shaqaynaya arrimo gargaar,” Sidaas waxaa yiri RW Youssef.

Orodka ayaa lagu qabtay magaalo Xeebeedka Nabeul.

Wasiirka dhintay Slim Chaker, ayaa la magacaabay Bishii hore kadib markii isku shaandhayn ballaaran lagu sameeyay golaha xukuumadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM