Weerar Drones ah oo Lagu Qaaday Saldhigyo Ciidan oo Ruushka Gudihiisa ah, Ukraine oo Sheegtay Guulo waaweyn
Moscow – Saldhigyo ciidan oo dhowr ah oo ku yaalla gudaha dalka Ruushka ayaa la weeraray Axaddii, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Ruushka iyo ilo ka tirsan dowladda Ukraine. Weerarkan oo dhacay maalin kahor wada-hadallo nabadeed oo lagu wado inay ka furmaan magaalada Istanbul, ayaa loo arkaa mid kamid ah howlgaladii ugu ballaarnaa ee drones ah tan iyo markii dagaalka Ukraine uu billowday 2022.
Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in Ukraine ay duqeymo drone ah ku beegsatay saldhigyo diyaaradeed oo ku kala yaalla shan gobol oo kala ah: Murmansk, Irkutsk, Ivanovo, Ryazan, iyo Amur. Inkasta oo difaacyada cirka ee Ruushku ay iska difaaceen weerarrada badankood, haddana laba gobol – Murmansk iyo Irkutsk – ayaa la sheegay in diyaarado ay ku gubteen kadib markii drones si toos ah loogu weeraray meel u dhow saldhigyadooda.
“Drones FPV ah ayaa laga soo tuuray meel u dhow saldhigyadan, taasoo sababtay in diyaarado ay dab qabsadaan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka. Dabkii ayaa la damiyey, waxaana la xaqiijiyey in aysan jirin wax khasaare nafeed ah. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in dad looga shakisan yahay inay howlgalka ku lug lahaayeen la qabtay.
Dhanka kale, Hay’adda Sirdoonka Ukraine (SBU) ayaa sheegtay in weerarradan isdaba-joogga ah ay beegsadeen diyaarado dagaal oo Ruushku leeyahay, kuwaas oo qiimahooda guud lagu qiyaasay $7 bilyan. “$7 bilyan – waa khasaarihii maanta loo geystay duulimaadyadii istiraatiijiga ahaa ee cadowga,” ayay SBU ku qortay baraha bulshada.
Bartilmaameedyada weerarka waxaa ka mid ahaa saldhigga diyaaradaha Belaya ee gobolka Irkutsk, oo qiyaastii 4,300km u jirta xadka Ukraine, iyo saldhigga Olenya ee koonfurta Murmansk, oo 1,800km u jira xuduudda Ukraine.
Warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegtay in drones-ka lagu weeraray saldhigyadan laga soo riday gudaha Ruushka, taasoo muujinaysa in howlgalka uu ahaa mid si weyn loo diyaariyey oo la sheegay inay dad badan ku lug lahaayeen. “Tani waa weerarkii ugu weynaa hal maalin gudaheed oo lagu qaado saldhigyo ciidan oo badan oo gudaha Ruushka ah tan iyo markii dagaalku bilowday,” ayay tiri Dorsa Jabbari oo ka tirsan Al Jazeera, oo ka soo warrameysa Moscow.
Warar hore oo kasoo baxay wakaaladaha wararka Ukraine, gaar ahaan Ukrinform, ayaa xigtay ilo ku dhow SBU oo sheegay in howlgalka loogu magac daray “Spiderweb” uu socday qorshihiisu muddo ka badan 18 bilood, lana fuliyey iyadoo drones lagu soo geliyey gudaha Ruushka laguna qariyey gaadiid xamuul ah. Waxaa la sheegay in ugu yaraan 41 diyaaradood oo dagaal oo Ruushku leeyahay lagu waxyeelleeyey afar saldhig, howlgalkaasna uu si toos ah u kormeerayey Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.
Weerarkan ayaa si weyn u muujinaya awoodda sirdoonka Ukraine iyo sida uu dagaalku ugu sii fidayo gudaha Ruushka, xilli beesha caalamku ay isha ku hayso wada-hadallada nabadeed ee lagu wado inay ka bilaabmaan Istanbul maalinta Isniinta.
GAROWE ONLINE